Cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug, Ciidanka NISA iyo ciidamada Booliska Saldhigga Hobyo ayaa halwgal wadajir ah uga fuliyay xaafadaha degmada Hobyo ee Gobalka Mudug
Ciidamadan oo xalay hawlgalkooda bilaabay illaa iyo maantana si xiriir ah u waday ayaa gacanta gacanta ku soo dhigeen kooxo qalqal amni iyo cabsigelin ku hayay magaalada.
Saraakiisha howlgalka hogaamineysay oo la hadashay Warbaahinta Qaranka ayaa sidoo kale kooxo kale xusay in la soo qabtay rag ka ganacsanayay waxyaabaha maandooriya, haatanna lagu raadjoogo in gacanta lagu soo dhigo dhammaan kooxihii saldhiga u ahaa qalqal-gelinta amniga degmada Hobyo.
Ciidamada ayaa tilmaamay inay joogteyn doonaan hawlgallada illaa qofka u danbeeya kooxaha qaswadayaasha gacanta lagu soo dhigayo, isla markaana laga hortagi doono kuwa dhul boobka ka waday magaalada Hobyo.