Friday, November 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Ra’iisul Wasaarihii 8-Aad Ee Xukuumadda Soomaaliya Marxuum Cali Khaliif Galeyr

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Ra’iisul Wasaarihii 8-Aad Ee Xukuumadda Soomaaliya Marxuum Cali Khaliif Galeyr
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Xukuumaddii Ku-meelgaarka ahayd ee Soomaaliya Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga.

Madaxweynaha oo khadka Taleefanka kula xiriiray Marwada Marxuumka Maryan Cabdi Biixi ayaa xusay doorkii uu ka geystay dowladnimada iyo horumarka dalka, taas oo muujineysa hammiga iyo himilada uu u qabay Soomaaliya horumarsan oo la jaan qaadi karta dalalka kale ee caalamka.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

November 27, 2025
Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

November 27, 2025

“Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Khaliif Galeyr waxa uu door muuqda kaga jiraa sooyaalka dalkeenna. Waxa uu noqday Ra’iisul Wasaarihii Dowladdii Kumeel gaarka ahayd ee lagu soo dhisay Carta iyo xilal kale oo uu ugu soo adeegay dalkeenna iyo shacabka Soomaaliyeed si hufan, waddaniyad iyo daacadnimo leh”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in la magacaabo Guddi Qaran oo ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

 

Previous Post

Tariikhda kooban ee AUN Ra’iisul wasaare Cali Khaliif Galeyr

Next Post

UNMAS Oo Tababar Ku Saabsan Burburinta Miinooyinka Ay Argaxisada Sameeyaan U Soo Gabogabeysay Ciidanka AMISOM

Next Post
UNMAS Oo Tababar Ku Saabsan Burburinta Miinooyinka Ay Argaxisada Sameeyaan U Soo Gabogabeysay Ciidanka AMISOM

UNMAS Oo Tababar Ku Saabsan Burburinta Miinooyinka Ay Argaxisada Sameeyaan U Soo Gabogabeysay Ciidanka AMISOM

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo xiray shirweynaha seddaxaad ee...

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

November 27, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay...

Wasiirka Dekadaha XFS oo shir doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’adda IMO

Wasiirka Dekadaha XFS oo shir doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’adda IMO

November 27, 2025
0

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulanka 9-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In