Friday, July 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Axmed“Waxaan u imid inaan uduceeyo Shan kamida saaxiibaday oo Qaraxii Zoobe ku geeriyooday”

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Axmed“Waxaan u imid inaan uduceeyo Shan kamida saaxiibaday oo Qaraxii Zoobe ku geeriyooday”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta oo kale saddex sanno ka hor 14-kii Oktoobar 2017 argagaxisada Al-shabaab ayaa gaari ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa waxa ay la beegsadeen isgoyska Soobe oo ah goob mashquul badan.

Maleeshiyada ayaa xilliga ay qaraxa la beegsanayeen isgoyska wuxuu ahaa mid saxmad badan, oo waxey aheyd xilli galab ah dadku ay ku socdeen guryahooda iyagoo kasoo baxay goobahooda shaqada iyo waxbarashada.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

July 9, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

July 9, 2026

Waa maalin xusuus xanuun badan ku leh ummadda Soomaaliyeed oo ku waayay ku dhawaad 600 oo ruux halka dhaawacuna uu intaas ka badnaa.

“Waxaan u imid inaan uduceeyo Shan kamida saaxiibaday oo Qaraxii Zoobe ku geeriyooday” ayuu yiri Axmed Cabdulqaadir Ciise oo Saddex sano ka hor ka badbaadey Qaraxii 14-kii Oktoobar.

Axmed, wuxuu xilligaas ganacsi yar ku lahaa isgoyska Soobe,wuxuu warbaahinta Qaranka u sheegay in maalintaas ay aheyd mid murugo ku reebtay oo uu ku waayay illaa shan kamid ah saaxibadiis, oo hal goob ay iskala shaqeynayeen.

Axmed oo ah farsamo yaqaan furayaasha ku sameeya Soobe waxaa uu dareemaya murug, maaddaama saaxibo qaali ah uu ku waayay musiibada,wuxuuna sheegay in makiinadii uu ku qorayay furayaasha ay ku gubatay qaraxa inkastoo uu tilmaamay in loo geday.

“Makiinadii aan furayaasha ku sameysanayay oo iga gubatay wiil saaxibkey ah oo dibadda jiro ayaa iigaday,shaqadeydi halkeedi ayaan kasii wataa, isgoyska Soobane waan joogaa”

Axmed ayaa xusay in aysan rajo dhigi doonin oo qadarta Alle ay ku qanacsanyihiin haddane uu sii wada doono ganacsiga uu ku leeyahay Soobe.

Isgoyska Soobe ayaa saddex sanno kaddib kasoo kabtay burburkii kasoo gaaray qaraxii ugu weynaa ee abid ka dhaca Afrika kaas oo argagixsada Al-shabaab ay ku gumaaday shacab aan waxba galabsan, balse waxey xusuuso xanuun badan  ku reebtay quluubta dadka Soomaaliyeed oo ku waayay 587 ruux oo ahaa indhaha bulshada.

Previous Post

Bangiga adduunka oo 12 bilyan u qorsheeyay dalalka soo koraya si ay u helaan tallaalka Covid-19

Next Post

Mareykanka“Wali waxaan la murugooneynaa dhibaatada qaraxii Soobe”

Next Post
Mareykanka“Wali waxaan la murugooneynaa dhibaatada qaraxii Soobe”

Mareykanka“Wali waxaan la murugooneynaa dhibaatada qaraxii Soobe”

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

July 9, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta Beerta Nabadda kulan kula yeeshay suxufiyiinta warbaahinta...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

July 9, 2026
0

Taliska Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta xaruntiisa ku qabtay shirka Talisyada Qaybaha Ciidanka Dhulka, kaas oo uu...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY TALISKA GUUTADA 77 EE CXDS OO DIB U DHIS BALLAARAN LAGU SAMEEYAY

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY TALISKA GUUTADA 77 EE CXDS OO DIB U DHIS BALLAARAN LAGU SAMEEYAY

July 9, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray dib u dhis iyo casriyeyn ballaaran oo...

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Brazil oo Madaxweynaha Brazil u gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Brazil oo Madaxweynaha Brazil u gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga

July 9, 2026
0

Safiirka Aan Deggenayn ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Brazil Mudane Dr. Omar Dufle, ayaa maanta Madaxweynaha Brazil,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In