Thursday, August 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada oo Maalinkii Labaad Galay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 4, 2020
in Wararka
0
Dowladda oo Qalab Caafimaad iyo Dawooyin Gaarsiisay Degmada Xudur ee Gobalka Bakool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo maalintii Labaad galay ayaa looga hadlayaa  tiirarka Barnaamijka Xukuumadda, Xiriirka wada shaqeyneed ee golaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, ahmiyadda Daahfurnaanta, Isla xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo Qorshaha horumarinta qaranka.

Shirka Banbaxa oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa diiradda lagu saaray Qorshe howlleed si koox koox ah loo sameeyay, waxaana lagu soo bandhigay hannaanka ugu wanaagsan ee lagu mira-dhalin karo howllaha hortabinta u leh barnaamijka Xukumadda.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

August 13, 2025
Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

August 13, 2025

Banbaxa Golaha Wasiirrada ee maalinkii labaad qabsoomay ayaa mid mid loogu dul istaagay hannaanka lagu xaqiijin karo 100 maalmood ee soo socda tiirarja Barnaamijka Xukumadda iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay Xiriirka wada shaqeyneed ee Xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dowladda, taas oo saldhig u ah xaqiijinta gudashada waajibaadka shaqo ee loo igmaday masuuliyiinta hay’adaha Dowladda ee ku dhisan isla xisaabtanka.

Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada oo sii socon doona ilaa maalinta berri ah ayaa laga soo saari doona qoddobo mudnaanta koobaad siinaya howlaha hortebinta ee ku qotomo barnaamijka Xukumadda Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Carona Virus oo si wayn u saameeyey waxbarashada carrurta barkacayaasha ah “SAWIRRO”

Next Post

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo soo gaaray Muqdisho

Next Post
Ciidamo ka tirsan AMISOM oo soo gaaray Muqdisho

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo soo gaaray Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

August 13, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay culimo, ganacsato iyo wakiillo...

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

August 13, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kuwait, ayaa maanta...

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

August 13, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Sare...

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

August 13, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Gedo,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In