Wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahin ayaa maanta kulan fogaan arrag ah la qaatay Ku xigeenka ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay ee Soomaaliya Raisedon Zenenga iyo xubno ka tirsan bahda Qaramada Midoobay.
Wasiir Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa waxa ay kala hadashay masuuliyiinta Qaramada midoobay arrimaha hortabinta uleh wasaaradda isla markaana xafiiska qaramada midoobay ka taageero.
“Ku xigeenka ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay ee Soomaaliya Raisedon Zenenga iyo xubno ka tirsan bahda Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan hordhac ah oo dhanka khadka Internet-ka ah la yeeshay wasiirka Wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahin, kulanka ayaa looga hadlay arrimaha muhiimadda u leh wasaaradda iyo sida Qaramada Midoobay ay u taageeri karto.