Thursday, September 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Degmada Deyniile oo kulan qado sharaf ah u sameeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 11, 2020
in Wararka
0
Maamulka Degmada Deyniile oo kulan qado sharaf ah u sameeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka qada sharafta ah oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Degmada Deyniile ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Xildhibaanno, Wasiiro ka tirsan Galmudug iyo qeybaha bulshada ee ku nool Caasimadda.

Kulanka kaddib Wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug waxa ay kormeereen deegaannada Ceel-Jaale iyo Warta Shirkadda oo ah goobaha loo dalxiistago ee Degmada Deyniile, halkaasi oo ay ku soo arkeen goobo u diyaarsan dalxiiska.

Related posts

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

September 11, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025

Guddoomiyaha Degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa mas’uuliyiinta ku soo dhaweeyay Degmada, isagoo sheegay in ay ku faraxsanyihiin imaashahooda.

Maxamed Mire Axmed iyo Canab Maxamed Cosoble oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Galmudug mudane Xasan Cabdullaahi Cas-caseey ayaa Maamulka Dayniile ku amaanay amniga ka jira degmada.

Guddoomiyaha Baarlamaaka Dowlad Goboleedka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa Maamulka degmada uga mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, isaga iyo wafdiga la socday, waxaana uu maamulka ku boggaadiyay sida ay amniga uga shaqeeyeen iyo maashaariic horumarineed ee ka socda Degmada.

 

Previous Post

Qarax dad ay ku dhaawacmeen oo ka dhacay Boqortooyada Sacuudiga

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta iyo odoyaal dhaqameed ku baaqay in la joojiyo colaadda Gobolka Mudug

Next Post
Garnaqsi: Xorriyadda Saxaafadda Iyo Xaqiiqda Hortaalla

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta iyo odoyaal dhaqameed ku baaqay in la joojiyo colaadda Gobolka Mudug

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

September 11, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gardarrada ahaa ee maamulka Israa’iil u gaystay dalka...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hey'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Suldaan Mustafa Awseed, oo ka mid...

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025
0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan casho-sharaf ah kula yeeshay Agaasimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In