Monday, December 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warta Degmada Boondheere oo ku fatahday xaafado ka mid ah degmada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Warta Degmada Boondheere oo ku fatahday xaafado ka mid ah degmada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Roobabkii ka da’ayay magaalada Muqdisho maalmahii u dambeeyay ayaa sababay fatahaad ay sameyeen bulaacadaha ku yaala magaalada Muqdisho, gaar ahaan bulaacadda Warta Boondheere ee Gobolka Banaadir  oo ku fatahday qaar ka mid ah xaafadaha Degmada Boondheere, taasi oo saameyn ku yeelatay nolosha iyo caafimaadka dadka danta yar  ee ku nool Degmada Boondheere

Bulaacadan ku taala Degmada Boondheere oo buux dhaaftay ayaa keentay in xaafado qaar ay go’doon galaan oo dadka deegaanka ay ka cabanayaan biyaha ka yimid bulacaadda inay go’doomiyeen, waxaana maamulka Degmada Boondheere oo kaashanaya kan Gobolka Banaadir ay ku xireen warta matoor loogu tala galay in uu ka saaro biyaha ku jira, iyadoo ay xiran yihiin ilaha biyo mareenada ee horay badda ugu shubi jiray.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Qaar ka mid ah dadka ku nool Degmaad Boondheere oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay dhibaato weyn ku qabaan biyaha wasaqda ah ee ka imaanaya Warta Boondheere.

Raxma  Maxamed  Geeddi oo ka mid ah howlwadeenada caafimaadka MCH Degmada Boondheere ayaa ka hadashay dhibaatooyinka dhinaca caafimaadka ah ee ka dhashay Warta iyo sida ay saameysay bulshada ku nool Degmada.

Qaar ka mid ah odayaasha iyo culimada ku nool Degmada ayaa codsaday in loo dhiso goobaha biyo mareenada oo biyaha roobka badda ku shubi jiray.

Gudoomiye ku-xigeenka siyaasadda degmada Boondheere Suldaan Maxamed Aweys Axmed ayaa sheegay in bulshada degmada uu saameyn ku yeeshay Warta, isagoo intaa ku daray in ka maamul ahaan ay ku dadaali doonaan sidii biyaha looga saari lahaa Warta Boondheere.

Previous Post

Isu soo bax lagu taageerayay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa oo ka dhacay Jowhar “SAWIRRO”

Next Post

Dibadbaxyo lagu taageerayo howlgallada Dowladda ka waddo Ismaamulka Tigreega oo ka dhacay Itoobiya “SAWIRRO”

Next Post
Dibadbaxyo lagu taageerayo howlgallada Dowladda ka waddo Ismaamulka Tigreega oo ka dhacay Itoobiya “SAWIRRO”

Dibadbaxyo lagu taageerayo howlgallada Dowladda ka waddo Ismaamulka Tigreega oo ka dhacay Itoobiya “SAWIRRO”

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In