Thursday, June 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adaha Dastuurka oo kulan la yeeshay Golaha Sharci Dajinta Hirshabelle “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 16, 2020
in Wararka
0
Hay’adaha Dastuurka oo kulan la yeeshay Golaha Sharci Dajinta Hirshabelle “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS, Guddoga Lasocodka Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa maanta kulan miro dhal ah magaalada Jowhar kula yeeshay Golaha sharci dejinta Hirshabelle kaas oo loga wada hadlay dadaaalada lagu dhammaystirayo dib-u-eegista dastuurka.

Kulanka oo ujeeddadiisu ahayd soo uruurinta aragtida baarlamaanka dowladd goboleedka Hirshabelle ay ka qabaan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista faramo lagu sameeyay, waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha golaha sharci dejinta Hirshabelle Mudane Abdihamkiim Luqmaan.

Related posts

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

June 12, 2025

Ugu horrayn, kulanka waxaa kalmad furitaan ah ka jeediyay madaxda hay’adaha Dastuurka oo uu ugu horreeyo agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha Dastuurka mudane Maxamed Abuukar Zubayr isagoo sheegay in hay’adaha Dastuurku ay soo dhammaystireen dib-u-eegisti farsamada islamarkaana loo baahanyahay in lagu daro aragtida ay hirshabelle ka qabaan qodobada dib-u-eegista lagu sameeyay.

Agaasime Zubayr ayaa xusay in latashiyo badan lagala yeeshay hay’adaha kala duwan ee dowlad goboleedka hirshabelle arrimaha dastuurka, maantana ay muhiimadda ugu wayn tahay in ay helaan aragitidii laga sugaayay dowladda hirshabeelle gaar ahaan golaha sharci dejinta.

“Hay’adaha Dastuurku waxay rajaynayaa in dib-u-eegista Farsamo ay hor geeyaan baarlamaanka si uu dood uga yeesho ka dibna ansixiyo, sidaa darteed waxaan uruurinaynaa aragtiyihii ugu dambeeyay ee nuqulkii labaad ee la idinla wadaagay bishii Maarso 2020, si loogu daro aragtiniina nuqulka saddexaad ee baarlamaanka la horgayn doono” ayuu yuri Agaasime Zubayr.

Dhanka kale, Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle ayaa bogaadiyay howsha mugga leh ee ay hay’adaha dastuurka ka soo qabteen dib-u-eegista Dastuurka, waxayna ballaqaadeen in ay aragtidooda u soo gudbin doonaan si dhaqsi ah.

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa dadaal ugu jira sidii loo ansixin lahaa qodoabada farsamada ee dib-u-eegista lagu sameeyay, si howhsa laga soo qabtay dastuurka aysan u noqon mid ma dhalays ah oo sanad kasta dib loo soo bilaabo.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta kormeeray xaruumaha Caddaaladda iyo Garsoorka dalka “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta kormeeray xaruumaha Caddaaladda iyo Garsoorka dalka “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta kormeeray xaruumaha Caddaaladda iyo Garsoorka dalka “SAWIRRO”

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

June 12, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa kulan rasmi ah la yeeshay...

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

June 11, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha Madasha Iskaashida Dalalka Geeska Afrika ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku...

Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

June 11, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In