Monday, March 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxabanaan ee la dagaallanka musuq maasuqa “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxabanaan ee la dagaallanka musuq maasuqa “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay Kalfadhiga 8-aad kulankiisa 6-aad ayaa ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) uu goluhu ka hor Akhriyay warbixinta xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo magacyadda xubnaha Golaha.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay warbixinta uu Wasiirka ka hor jeediyay Golaha iyo shaqada u taala.

Related posts

Hawlgal lagu dilay dhagarqabayaal katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Hawlgal lagu dilay dhagarqabayaal katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

March 2, 2026
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

March 2, 2026

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo cod u qaaday xubnaha Golaha Adeegga Gorsoorka ayaa waxaa codka Haa ku ogolaatay 145-Xildhibaan oo ahaa kooramka kulanka golaha ku furmay, mana jirin Xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay intuba.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Golaha hor geeyay warbixinta xubnaha Guddiga madaxa banaan ee la dagaallanka  Musuq maasuqa iyo sidoo kale muhiimadda ay dalka u leeyihiin.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay xubnaha guddigan.

Wasiirka Cadaaladda ayaa ka jawaabay su’aal ay Xildhibaannada qaarkood weydiiyeen oo aheyd xubin guddiga ka maqan iyo sidoo kale sababta Taariikh nololeedka xubnaha guddiga loogu qoray luuqadda Ingiriiska oo luuqada Hooyo ee Soomaaliga loogu qori waayay.

Intaasi ka dib Xildhibaannada Golaha Shacabka oo xubnahan cod u qaaday ayaa waxaa codka Haa ku ogolaatay 145-xildhibaan diidis iyo aamusid midna ma jirin sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir Guddoominayay.

Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xildhibaanadda Golaha Shacabka uga mahadceliyay Ansixinta xubnaha Golaha Adeega Garsoorka iyo xubnaha Guddiga madaxa banaan ee la dagaallanka  Musuq maasuqa.

Maadaamaa dooda Xildhibaannada Golaha badankeed ay ku saleysaneyd Miisaaniyadda ay ku shaqeyn doonaan guddiyadan ayaa Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka soo xiray waxa uu  sheegay in Wasaaradda Cadaaladda looga baahanyahay in miisaaniyadda Guddiyadan ay kala hadasho Hay’adaha ay khuseyso ka hor inta aan miisaaniyadda Golaha la hor keenin dhamaadka sanadkan.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta kormeeray xaruumaha Caddaaladda iyo Garsoorka dalka “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garoowe “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garoowe “SAWIRRO”

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garoowe “SAWIRRO”

Hawlgal lagu dilay dhagarqabayaal katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Hawlgal lagu dilay dhagarqabayaal katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

March 2, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo kuwa UPDF, ayaa ka saaray maleeshiyad argagixiso ah...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

March 2, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya,...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

March 2, 2026
0

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka ee loogu talagalay dadka ay abaartu...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

March 2, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa howlgal bartilmaameed ah ku dilay Horjooge sare oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In