Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo heshiis la saxiixatay shirkadda Hope Labs Group+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo heshiis la saxiixatay shirkadda Hope Labs Group+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho , November, 30, 2020 – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta saxiixay heshiis Iskaashi ah oo ay wasaaraddu la saxiixatay shirkadda maxalliga ah ee Hope Labs Group.

Ujeeddada Iskaashiga ayaa la xiriirta sidii kor loogu qaadi lahaa  Tayada,bed-qabka Shaqaalaha iyo goobaha shaqada,Waxaa kale heshiiskan uu  diiradda saarayaa in la soo saaro xirfadleyaal si gaar ah u tababbaran oo haysta Shahaado khibradeed oo la aqoonsan yahay.

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

Heshiiskan waxaa lagu hormarin doonaa xarumaha tababbarrada xirfadleyaasha iyo agabyada ay u baahanyihiin, sidookale Waxaa  uu door wanaagsan ka qaadan doonaa in la hormariyo nidaamka kormeerka bed-qabka caafimaadka Shaqaalaha,goobaha Shaqada iyo agabka si looga hortago khataraha ku imaan kara Shaqaalaha.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , ayaa sidoo kale daahfuray mashruuca diyaarinta khabiir xirfad yaqaan ah, kaas oo ay si tabarucaad ah uga faa’iideysan doonaan ilaa Saddex kun (3,000) oo Arday lagu tababbarayo  27 xirfadood oo kala duwan.

“Wasaaraddaydu waxay dadaal gelinaysaa sidii lagu dhimi lahaa shaqo la’aanta, si loo gaaro waxaa muhiim ah in la hormariyo xirfadaha iyo bed-qabka Shaqaalaha, taas oo kor u qaadeysa kalsoonida shaqaalaha ,loo shaqeeyaha iyo bulshada, waana irid aan ku geleyno kor u qaadista wax soo-saarka iyo la-dagaallanka saboolnimada.” ayuu yiri Wasiir Duraan Faarax.

Munaasabadda waxaa goobjoog u ahaa , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda , madaxa Hope Labs Group, oo ah shirkad ka shaqeysa Horumarinta xirfadaha iyo bedqabka Shaqaalaha, Culimo,Ganacsato iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda.

Dhammaad

Tags: Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo heshiis Iskaashi ah la saxiixatay shirkadda Hope Labs Group+Sawirro
Previous Post

Wasiirka Haweenka: Way Naga go’an tahay Xaqiijinta 30% ee Qoonddada Dumar ee Siyaasadda +Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo koobka gudiinsiiyey degmada Shingaani.

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo koobka gudiinsiiyey degmada Shingaani.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo koobka gudiinsiiyey degmada Shingaani.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In