Waxaa maanta lagu wadaa inuu dhaqan galo go’aankii khamiistii kasoo baxay golaha wasiirrada maamul goboleedka Puntland, kaas oo shirkadaha isgaarsiinta lagu siiyay amar ah in hal doollar ama ka yar aan la isugu diri Karin adeegyada Sahal iyo E-dahab.
Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxay Shirkadahaas amar ku siiyay, in ay sarrif ahaan u qaataan Lacagta Shiling Soomaaliga ah, si loo soo celiyo qiimaha lacagta Shilin-ka oo hoos u dhac ballaaran ku yimid, taas oo sicir-barar keentay.
War shalay kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa lagu adkeeyay shirkadaha in ay u hoggaansamaan awaamiirtii kasoo baxday shirkii golaha wasiirrada.
Halkaan hoose ka akhriso warka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland