Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Cumar Filish”Waxaan rajeyneynaa in aan la helin qof ku nool gobolkan ee aan wax qorin waxna Akhrin”+SAWIRRO

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Cumar Filish”Waxaan rajeyneynaa in aan la helin qof ku nool gobolkan ee aan wax qorin waxna Akhrin”+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay barnaamijka kulanka wadatashiga iyo is dhex-galka bulshada oo lagu qabtay degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Kulanka wadatashiga iyo is dhex-galka bulshada waxaa guddoomiyaha ku wehlinayay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Banaadir,xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya,ururka haweenka gobolka iyo qaar kamid ah guddoomiyeyaasha gobolka.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa odayaasha iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ka dhageystay su’aalo ay weydiiyeen iyo talooyin  ku aaddanaa horumarinta gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Shibis Cali Maxamed Cabdulle oo ka hadlay kulanka ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu ka dalbaday in wax laga qabto baahiyaha ay soo bandhigeen bulshada degmada Shibis.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Banaadir Basmo Caamir Axmed Jakeetti ayaa sheegtay in waxbarashada wax badan ay ka beddeleen haddana ay xooji doonaan dadaalkooda ku aaddan goobaha loogu adeego bulshada oo MCH-yadu ay kamid-ka yihiin.

Guddoomiyaha gobolka Banaadi ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed oo ka jawaabayay su’aalihii ay waydiiyeen bulshada Shibis oo ay ka mid ahaayeen tayeynta waxbarashada iyo caafimaadka ayaa sheegay in ay rajeynayaan in la waayo mustaqbalka qof ku nool caasimadda oo aan wax qorin waxna akhrin.

Previous Post

Dhageyso Warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Shaqaale QM ka tirsan oo lagu rasaaseeyay gobolka Tigreey

Next Post
Shaqaale QM ka tirsan oo lagu rasaaseeyay gobolka Tigreey

Shaqaale QM ka tirsan oo lagu rasaaseeyay gobolka Tigreey

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In