Xildhibaannada golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa maanta in kulan ay ku yeeshaan xaruntooda KMG-ka ah ee Villa Hargeysa.
Ajendaha kulanka maanta ayaa ah:
1 – Akhrinta koowaad ee Miisaaniyadda dowladda sanadka soo socda ee 2021-ka.
2 –Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga.
Muddo xileedka xildhibaannada golaha shacabka ayaa waxaa ka harsan maalmo kooban waxaana horyaal ajendayaal muhiim ah iyo miisaaniyadda sannadka 2021-ka.