Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mukhtar Xuseen Afrax ayaa kormeer ku tegay xarunta Ciidanka Xooga Dalka ee Qeybta 27 ee magaalada Balaedweyne.
Wasiirku waxa uu u kuurgalay xaaladda ciidanka oo shaqo weyn ka haya deegaanka, taas oo ay ugu horeyso ilaalinta amniga iyo badqabka shacabka.
Wasiirku waxa uu warbixin ka dhagaystay saraakiisha ciidanka uu ugu horeeeyo Taliyahaya Guutada 5naad ee Qeybta 21aad Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim iyo saraakiisha kale ee hogaanada kala gadisan.
Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa ku wareejiyey ciidanka laba neef oo geela, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba laabaan shaqada Qaran ay Ummadda Soomaaliyeed u hayaan gaar ahaan shacabka Gobolka Hiiraan