Thursday, October 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Akhrinta 2aad marsiiyay sharciga dhismaha Hay’adda Dhiirigelinta Maalgashiga  

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 12, 2020
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday sharciga Doorashooyinka Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Dalka ee maanta oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa ugu horeyn Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu kulanka Golaha ka hor akhriyay warbixinta qoondada miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020-ka.

Sida xeer hoosaadka Golaha uu qabo aanu Akhrinta koowaad wax dood ah ka furneyn waxa ay qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Wasiirku weydiiyeen su’aalo intooda badan khuseeya Arrimo ay ka mid yihiin mushaaraadka dibloomaasiyiinta Soomaaliyeed ee Safaaradaha ka howlgala, Cadaaladda iyo Maxkamadaha iyo sidoo kale balan qaad uu  Wasiirka maaliyadda sameeyay dib u eegista miisaaniyadda 2020-ka lagu sameeyay bartamihii sanadkan sii dhamaanaya, taasoo aheyd in uu bixin doono dhowr bilood oo ah lacago mushaaraad ah oo ka maqan Xildhibaannada qaarkood, sidoo kale Wasiirka ayaana su’aalahaas ka jawaabay.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025

Dhinaca kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta 2-aad marsiiyay Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dhiirigelinta maalgashiga, waxaana Xildhibaannada qodobada Hindise sharciyeedkan u akhriyay guddoomiyaha guddiga ganacsiga iyo warshadaha ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene beene.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in ka doodista Hindise sharciyeedka dib loo dhigay.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Bari oo la kulmay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland “SAWIRRO”

Next Post

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga oo kulan la qaatay wafdi ka socday Midowga Yurub “SAWIRRO”

Next Post
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga oo kulan la qaatay wafdi ka socday Midowga Yurub “SAWIRRO”

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga oo kulan la qaatay wafdi ka socday Midowga Yurub “SAWIRRO”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey tallaabada ay Soomaaliya si buuxda dib ugula soo wareegtay hannaanka...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

October 8, 2025
0

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar muhiim ah, kaas oo Soomaaliya ay kula soo wareegayso maareynta...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

October 8, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In