Wasiirka Arrimaha Dibedda JFS Mudane Maxamed Cabdirisaaq waxuu caawa booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxii argagaxisada ee galabta ka dhacday Magaalada Gaalkacyo.
Waxaan leennahay Allaha u booga dhayo inta dhaawaca ah, intii dhimatayna naxariista janno ha helaan ayuu yiri wasiirka .
Wasiirka ayaa shaqaalaha caafimaadka ka wareystay xaalada bukaanka isagoo sidoo kale wareystay qaar ka mid ah dhaawacyada