Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Cadaaladda ”Waxaan xoogga saaraynaa in shacabka uu helo adeeg Garsoor oo Caddaaladda ku saleysan”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Cadaaladda ”Waxaan xoogga saaraynaa in shacabka uu helo adeeg Garsoor oo Caddaaladda ku saleysan”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa ka warbixiyay qorshayaasha ugu degsan Wasaaraddiisa dhanka horumarinta adeegyada Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka.

Wasiirka oo safar ku jooga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa booqday xabsiga Dhexe ee Baydhabo iyo xabsi cusub oo uu ku socdo dhismo, waxaana ku wehliya kormeerka Wasiirka Cadaaladda ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Related posts

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026

Isagoo ka hadlaya ahmiyadda Cadaaladda ayuu sheegay in ay yihiin aas aaska dowladnimo, la’aantoodina horumar amni, mid bulsho iyo dhaqaale midna hagaagaynin.

“Waxaa ii qorsheysan in la horumariyo dhamaan hay’adaha garsoorka Federalka iyo Maamul goboleedyada 2021 waxaa noo qorsheysan in aan dhisno xabsiyo casri ah dhameystirnana kuwa hadda socda sidoo kale inaan tayeyno dhamaan garsoorayaasha iyo xeer ilaalinta iyo dhismooyinka maxkamaduhu ku shaqeen lahaayeen”. Ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda XFS.

Wuxuu sidoo kale intaasi ku daray in ka wasaaradda ahaan ay dadaal ku bixin doonaan sidii shacabka Soomaaliyeed loogu dhoweyn lahaa adeegyada Cadaaladda.

Wasiirka Cadaaladda ayaa waxa uu la kulmay howlwadeenada Wasaaradda Cadaaladda ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyey shaqada ka socota guud ahaan Koonfur Galbeed gaar ahaan xarunta Wasaaradda.

Wasiir Cabdiqaadir ayaa sidoo kale tilmaamay in WasaaradDa Cadaalada ee Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso sidii shacabka dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ay ugu xaqiijin lahayd helidda hannaan caddaaladeed oo hufan, isagoo warbixinno la xiriira howllaha adag ee ay u hayaan bulshada ka dhageystay mas’uuliyiinta ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Xasan (John) yo taliyaha ciidanka Asluubta Koonfur Galbeed

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo Oo  Dalka Jabuuti Kaga Qeyb Galaya Shirka IGAD

Next Post

Ciidanka Danab oo gacanta ku dhigay labo horjooge oo ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”

Next Post
Ciidanka Danab oo gacanta ku dhigay labo horjooge oo ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”

Ciidanka Danab oo gacanta ku dhigay labo horjooge oo ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In