Wednesday, August 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble “Waa tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday doorashada Guddoomiyaha cusub ee Gaalkacyo, Xukuumadeyduna way dhiirrigalineysaa”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 21, 2020
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble “Waa tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday doorashada Guddoomiyaha cusub ee Gaalkacyo, Xukuumadeyduna way dhiirrigalineysaa”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka qeyb galay caleema saarka  Guddoomiyaha  cusub ee degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan   ayaa tallaabo horey loo qaaday ku tilmaamay in bulshada loo dhaweeyo maamulka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey Duqa cusub ee degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan  in Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay. Isagoo tilmaamay in Xukuumaddu ay dhiirrigalineyso  degmooyinka dalka oo dhan in ay doortaan maamulkooda.

Related posts

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

August 6, 2025
Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

August 6, 2025

Eng. Rooble ayaa ku dhiirigeliyey Odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Mudug in ay sii dardargeliyaan dadaalladooda ku addan nabadda iyo dib-u-heshiisiinta beelaha walaalaha ah, una   midoobaan la dagaallanka argagixisada iyo in ay isu kaashadaan sidii loo cirib tiri lahaa.

“Waa tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday doorashada guddoomiyaha cusub ee Gaalkacyo. Xukuumadeyduna way dhiirrigalineysaa  wayna taageereysaa iyo degmooyinka dalka oo dhami doortaan maamulkooda, oo ay lana xisaabtamaan. Tani  waxay tusaale u tahay daadajinta maamulka iyo in dadku iyagu doortaan cidda ay doonayaan”.

Golaha deegaanka degmada Gaalkacyo oo dhowaan la dhisay ayaa markii ugu horreysay doortay Duqa magaalada oo ku yimid rabitaanka bulshada, tanoo qeyb ka ah barnaamijka maamul daadajinta ee shacabka loogu dhaweynayo dowladnimada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo socdaal shaqo ku marayay deegaannada Puntland iyo Galmudug muddo 11 casho ah ayaa soo gabagabeeyey, waxuna uga mahadceliyey soo dhaweyntii diirranayd ee uu kala kulmay deegaannadii uu socdaalka ku marayay.

Previous Post

Gabar uu dhalay Ra’iisul Wasaarihii hore Itoobiya oo xabsiga loo taxaabay

Next Post

DAAWO: Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post

DAAWO: Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

August 6, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey wada shaqeynta iyo sare u qaadista sumcadda...

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

August 6, 2025
0

Maalmihii la soo dhaafay waxay dagaallo adag ka socdeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxayna Ciidanka Xoogga Dalka iyo...

Shirka arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya oo laga furay magaalada Baydhabo

Shirka arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya oo laga furay magaalada Baydhabo

August 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Cali Saciid Fiqi, ayaa magaalada Baydhabo oo ah xarunta...

Garaad Jaamac oo ka hadlay doorka haweenka ee dhismaha Maamulka Waqooyi Bari  

Garaad Jaamac oo ka hadlay doorka haweenka ee dhismaha Maamulka Waqooyi Bari  

August 6, 2025
0

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa sheegay in halgankii ay dadka deegaanku galeen ay haweenku ka qaateen door muuqda oo muhiim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In