Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay yeesheen waxay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda ee 2021.
Kulanka ayaa waxaa shir-guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, waxaana ansixinta Miisaaniyadda Dowladda 2021 u codeysay 145-mudane, mana jirin Xildhibaan ka aamusay ama diiday.
Mudanayaasha ayaa shalay akhrinta labaad marsiiyay miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka, iygaoo ugu dambeyn maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay.