Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shir-guddoomiyay shirka golaha wasiirada ee todobaadlaha ah.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka dowladda mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa todobaadkan looga hadlay amniga, xaaladda gobollada iyo degmooyinka iyo xeerka horumarinta sanduuqa dhallinyarada.