Tuesday, September 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taarikhda AUN Jenaraal Maxamed Nuur Galaal

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Taarikhda AUN Jenaraal Maxamed Nuur Galaal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jenaraal Maxamed Nuur Galaal waxa uu ku dhashay miyiga magaalada Ceelbuur.

Waxbarashadiisa aas aasiga ee dugsiga hoose waxa uu ku soo qaatay, iskuuladii talyaaniga ee ku yaalay, magaalooyinka Ceelbuur iyo Dhuusmareeb.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

September 7, 2026

Isagoo da’yar ayaa loo soo wareejiyay dugsiga Militariga talyaaniga oo Muqdisho ku yaalay, markii uu marayay fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe ayaa iskoolka uu dhiganayay waxa la wareegay ciidamo Boolis ah oo talyaani ahaa.

Kadibna sanadkii 1957-dii ayaa loo qaatay labo alifle ciidanka booliska ah, waxa uu taliye ka noqday saldhig ku yaalay dagmada Cabdulcasiis ee gobolka Banaadir oo markaa loo yaqanaay magac kale.

1959-kii markii la aas-aasayay ciidanka xoogga dalka waxa uu ka mid noqday, unugii ugu horeeyay, ee lagu bilaabo xoogga dalka.

1961-dii ayaa loo badalay magaalada Hargeysa isagoo Xidigle ah, waxa uu mudo ka howlgayay magaaladaasi.

Muddo ka dib waxa loo diray Ruushka isagoo 5 sano soo baranayay, qorshayaasha dagaalka, howl-galada, Sahanka iyo basaasnimada, waxa uuna u dalacay darajada sadex Xidigle.

1969-kii markii xoogga dalka uu afganbiyay dowlada sida uu sheegay, kama tirsaneeyn ragii ka qaybqaatay, waxa uuna ahaa taliye ku xigeenka xoogga dalka ee qaybtii Baydhabo daganeed.

Taliyaha qaybta dhexe ee magaalada Baladweyne ayaa laga dhigay isagoo halkaas ku dalacay darajooyinka Gaashaan, Gashaanle dhexe iyo Gashaanle sare.

Xisbigii kacaanka ayuu ka mid noqday golihii dhexe ee xisbiga, isagoo mar noqday wasiirka Howlaha guud.

1977-dii waxa uu mudo sadex bilood ah ku dajiyay qorshaha dagaalkii saban saban, kadibna waxa uu howl-galiyay ciidamadii xoogga dalka iyo Jabhadii gobonimo doonka oo isagu uu diyaariyay, tababaro dheeradana siiyay.

Waxa uu Itoobiya ka qabsaday magaalooyinka, Qabridahare, Diridhabe iyo magaalooyin kale oo waawayn.

Marxuumka alle ha u naxariiste waxa uu inta badan cimrigiisa iyo waqtigiisa u huray sidii ciidanka xoogga dalka uu u noqon lahaa cudud Afrikaantu ka cabsato.

Intii lagu jiray burburkii waxa uu ka shaqeeynayay nabadeeynta iyo sidii bulshadu iskugu tashan lahaayeen, waxa uu talooyin siin jiray si isxilqaan dowladahii dalka soo maray.

Waxa uu ahaa nin ay ku wayntahay Soomaalinimada, waxa uu aaminsana in uu markale arki doono Soomaaliya leh awood iyo ilbaxnimo kana garaad sareeysa Afkaanta kale.

Waxa uu ahaa dhaxal iyo taariikh aana ilaawi karin, balse wax magarato rabta in ay dabar gooyso dhaxalkeena iyo sooyaalkeena ayuu sabab saday gacantooda.

Geesi jecel in uu runta aadna u neceb qiyaanada ayuu ahaa.

Rabi naxariistii jano haka waraabiyo

W/Q: Osman Aden.

Tags: Taarikhda AUN Jenaraal Maxamed Nuur Galaal
Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkii arggagixiso ee xalay

Next Post

Hay’adaha amniga oo faah faahiyay howlkii lagu soo afjaray weerarkii xalay iyo khasaaraha ka dhashey

Next Post
Hay’adaha amniga oo faah faahiyay howlkii lagu soo afjaray weerarkii xalay iyo khasaaraha ka dhashey

Hay’adaha amniga oo faah faahiyay howlkii lagu soo afjaray weerarkii xalay iyo khasaaraha ka dhashey

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania...

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

September 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa Dowladda Soomaaliyeed ku metelay Kalfadhiga...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa...

Wasiirka Warfaafinta: Dowladda waxay xoojinaysaa dib-u-habaynta Warbaahinta Dowladda iyo ka hortagga dacaayadaha argagixisada

Wasiirka Warfaafinta: Dowladda waxay xoojinaysaa dib-u-habaynta Warbaahinta Dowladda iyo ka hortagga dacaayadaha argagixisada

September 7, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2022...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In