Wednesday, August 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaamacadda SIMAD oo markii ugu horeysay xafladda Qalinjebinta ku qabatay qaab fogaan arag ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 15, 2021
in Wararka
0
Jaamacadda SIMAD oo markii ugu horeysay xafladda Qalinjebinta ku qabatay qaab fogaan arag ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladdaan qalinjebinta ee Dufcadda 16-aad ee Jaamacadda SIMAD ayaa qorshaheedu ahaa in lagu qabto Xarunta Dhexe ee Jaamacada SIMAD balse saamaynta iyo dib usoo laba kaclaynta xanuunka caabuqqa COVID-19 dartii ayaa loo bedalay hanaanka hirgelinta xafladda.

Xubno ka tirsan Guddiga Sare ee Jaamacadda, Maamulka, iyo macalimiinta Jaamacadda iyo dhamaan ardaydii qalinjebinaysay ayaa uga qeybqaatay Xafladda qaab fogaan arag ah. Waxaa xusid mudan in xiriiriyaha munaasabadda uu ku sugnaa dalka Turkiga. Waxaana munaasabadda kalimado ka jeediyey qaar ka mid xubnaha sare ee Jaamacadda.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka

August 6, 2025
Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

August 6, 2025

Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Ustad Daahir Xasan Cabdi ayaa ugu horayn hambalyo diiran u diray dufcada 16-aad ee ka qalinjabineysay maanta Jaamacadda SIMAD isla markaana la wadaagay in go’aanka ku aaddan munaasabadda qalinjebinta uusan aheyn mid si sahlan lagu gaaray balse caafimaadka ardayda iyo waalidiintooda uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Jaamacadda.

Professor Kamal Ubaid oo ku hadlayay codka Gudiga Sare ee Jaamcadda ayaa u hanbalyeeyay dufcadda 16-aad ee ka qalinjabineysay maanta Jaamacadda.

Sidoo kale munaasabadda waxaa ka hadlay Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odowaa oo ugu hambalyeeyey ardayda guusha ay gaareen. Wuxuu sidoo kale xusay in munaasabadda kusoo aadday xili uu caabuqqa koroonavirus soo laba kacleeyey laakiin wadajirka ardayda iyo Jaamacadda ay sahashay in si guul ah looga qabto xafladda.

Ugu dambayn xafladdaan ayaa noqonaysa waa cusub oo u baryey Waxbarashada Sarre ee Soomaaliya, kuwaa oo laga doonayey in ay xal la imaadaan xiligaan adag oo Coronvirus uu jiro, ayaga oo aanan baajinayn hawlahooda waxbarasho.

Previous Post

Dowlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo bilaabay qorshe lagu caawinayo dadka gargaarka bani’aadanimo u baahan.

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyay geerida Maxamed Yuusuf Xaaji

Next Post
Madaxweyne farmaajo oo u hambalyeeyey madaxweyanaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyay geerida Maxamed Yuusuf Xaaji

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka

August 6, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Danjire Aweys Xaaji Yuusuf in uu noqdo Lataliyaha Amniga...

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

August 6, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey wada shaqeynta iyo sare u qaadista sumcadda...

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

August 6, 2025
0

Maalmihii la soo dhaafay waxay dagaallo adag ka socdeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxayna Ciidanka Xoogga Dalka iyo...

Shirka arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya oo laga furay magaalada Baydhabo

Shirka arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya oo laga furay magaalada Baydhabo

August 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Cali Saciid Fiqi, ayaa magaalada Baydhabo oo ah xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In