Tuesday, August 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaamacadda SIMAD oo markii ugu horeysay xafladda Qalinjebinta ku qabatay qaab fogaan arag ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Jaamacadda SIMAD oo markii ugu horeysay xafladda Qalinjebinta ku qabatay qaab fogaan arag ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladdaan qalinjebinta ee Dufcadda 16-aad ee Jaamacadda SIMAD ayaa qorshaheedu ahaa in lagu qabto Xarunta Dhexe ee Jaamacada SIMAD balse saamaynta iyo dib usoo laba kaclaynta xanuunka caabuqqa COVID-19 dartii ayaa loo bedalay hanaanka hirgelinta xafladda.

Xubno ka tirsan Guddiga Sare ee Jaamacadda, Maamulka, iyo macalimiinta Jaamacadda iyo dhamaan ardaydii qalinjebinaysay ayaa uga qeybqaatay Xafladda qaab fogaan arag ah. Waxaa xusid mudan in xiriiriyaha munaasabadda uu ku sugnaa dalka Turkiga. Waxaana munaasabadda kalimado ka jeediyey qaar ka mid xubnaha sare ee Jaamacadda.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madaxa OCHA ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madaxa OCHA ee Soomaaliya

August 4, 2026
Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmaya Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmaya Muqdisho

August 4, 2026

Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Ustad Daahir Xasan Cabdi ayaa ugu horayn hambalyo diiran u diray dufcada 16-aad ee ka qalinjabineysay maanta Jaamacadda SIMAD isla markaana la wadaagay in go’aanka ku aaddan munaasabadda qalinjebinta uusan aheyn mid si sahlan lagu gaaray balse caafimaadka ardayda iyo waalidiintooda uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Jaamacadda.

Professor Kamal Ubaid oo ku hadlayay codka Gudiga Sare ee Jaamcadda ayaa u hanbalyeeyay dufcadda 16-aad ee ka qalinjabineysay maanta Jaamacadda.

Sidoo kale munaasabadda waxaa ka hadlay Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odowaa oo ugu hambalyeeyey ardayda guusha ay gaareen. Wuxuu sidoo kale xusay in munaasabadda kusoo aadday xili uu caabuqqa koroonavirus soo laba kacleeyey laakiin wadajirka ardayda iyo Jaamacadda ay sahashay in si guul ah looga qabto xafladda.

Ugu dambayn xafladdaan ayaa noqonaysa waa cusub oo u baryey Waxbarashada Sarre ee Soomaaliya, kuwaa oo laga doonayey in ay xal la imaadaan xiligaan adag oo Coronvirus uu jiro, ayaga oo aanan baajinayn hawlahooda waxbarasho.

Previous Post

Dowlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo bilaabay qorshe lagu caawinayo dadka gargaarka bani’aadanimo u baahan.

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyay geerida Maxamed Yuusuf Xaaji

Next Post
Madaxweyne farmaajo oo u hambalyeeyey madaxweyanaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyay geerida Maxamed Yuusuf Xaaji

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madaxa OCHA ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madaxa OCHA ee Soomaaliya

August 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa kulan la yeeshay Mudane George Conway, Ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmaya Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmaya Muqdisho

August 4, 2026
0

Muqdisho ayaa goordhow martigelin doonta Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb geli doonaan mas'uuliyiin ka tirsan...

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

August 3, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Dan-Qaran, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay...

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

August 3, 2026
0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In