60 qof ayaa ku dhimatay dad kale oo badana waa la la,yahay kadib markii doon ay saarnaayeen ku degtay haro ku taala jamhuuriyada dimuqraadiga Congo,DRC
Dowlada DRC ayaa sheegtay in doonta ay ku degtay harada Mai-Ndombe oo ku taala galbeedka dalkaasi.
Steve Mbikayi oo ah wasiirka arimaha bani’aadanimo iyo gargaarka dalka DRC ayaa sheegay in doonta ay siday dad ka badan intii loogu talo galay taana loo maleenayo sababta
Steve Mbikayi wuxuu tilmaamay in ay doonta siday 700 qof
60 qof ayaa meydkooda la helay waxaana la soo badbaadiyay 300 oo kale sida uu sheegay Steve Mbikayi.
Waxaa soconaya gurmad xoog leh oo lagu baadigoobayo dadkii kale ee doonta saarnaa