Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa maanta shir Guddoomiyay kulan looga hadlyay adkeeynta amaanka Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle, gaar ahaan magaalada Baladweyne.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka Gobolka Hiiraan, Taliyaha Ciidanka booliska Hirshabeelle Kornel Xasan Dhicisow Xasan, Taliye ku-xigeenka Qeybta 27aad iyo saraakiil ka tirsan AMISOM kaasi oo ay kaga wada hadleen sidi la’isaga kaashan laha sugidda amniga magalada Beladweyne.
Kulankaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalintii shalay ay magaalada Beladweyne gaareen saraakiil sar sare oo ka tirsan Hay’adda NISA iyo kuwo ka socday laanta socdaalka iyo Jinsiyadda.
Magaalada Beladweyne ayaa maalmihi la soo dhaafay waxaa howlgallo ka waday ciidanka booliska ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.