Saturday, October 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo shir deg deg ah la qaatay bahda Caafimaadka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo ururada bulshada riyadka “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo shir deg deg ah la qaatay bahda Caafimaadka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo ururada bulshada riyadka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 iyo Bulshada Rayidka ayaa ka dhageystay warbixin ku saabsan saameynta caafimaad iyo dhaqaale ee soo laba kaclaynta cudurkan safmarka ah.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Madaxweynaha u soo bandhigtay warbixin dhammeystiran oo muujinaysa kororka tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee uu soo ritay cudurkan iyo tirada welwelka leh ee dhimashada, waxa ayna adkeysay in bulshada ay taxadir buuxa iyo garowshiyo u yeeshaan halista cudurkan ee soo laba kacleeyey.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalka Xukuumaddu ay ku xaqiijineyso ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka, waxa uuna xusay in la qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo dadka iyo dalka lagaga xakameynayo Cudurka.

“Bulshada ayaa laf dhabar u ah dadaalka dowladdu ay kaga hortageyso faafidda cudurkan, sidaas darteed waxa waajib ah in aan u istaagno wacyigelinta bulshada, una hoggaansanno farriimaha caafimaad iyo qorsheyaasha lagaga hortageyo.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiirrigeliyey qorsheyaasha Caafimaad, dhaqaale iyo amni ee ay soo bandhigeen Guddiga Qaran ee Xakameynta COVID-19, waxa uuna ganacsatada Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay dadkooda u turaan wakhtigan adag.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Madaxda Bangiyada gaarka loo leeyahay “SAWIRRO”

Next Post

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir oo dib u haybeyn ku sameeyay xarumo Waxbarasho “SAWIRRO”

Next Post
Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir oo dib u haybeyn ku sameeyay xarumo Waxbarasho “SAWIRRO”

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir oo dib u haybeyn ku sameeyay xarumo Waxbarasho “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In