Sunday, August 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Haweenka Galmudug oo wacyigelin u qabatay Haween ku nool Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 8, 2021
in Wararka
0
Wasaaradda Haweenka Galmudug oo wacyigelin u qabatay Haween ku nool Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Galmudug oo kaashaneysa Ha’adda I.M.C islamarkaana aheyd mid qeyb ka ah xuska munaasabadda 8da Maarso laguna qabtay deegaanka Xaar-xaar oo ay ku noolyihiin kumanaan qoys oo barakacayaal ah ayaa maanta intiisa badan looga hadlay ka hortagga khatarta caabuqa karoona, iyadoo ay goob joog ka aheyd qaar ka mid ah haweenka barakacayaasha,

Wasaaradda Haweenku waxa ay  u qeybisay qoysaska barakacayaasha ah agab loogu talagalay ka hortaga xanuunka COVID-19, kaas oo saameeyn xooggan ku haya dalkeena.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

August 9, 2025
Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo  ka furmay Baydhabo

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo ka furmay Baydhabo

August 9, 2025

Isu duwaha Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Galmudug ee Gobalka Mudug Dr Yurub Cabdulqaadir Sheekh Cali oo ugu horeyn ka hadashay munasabadda ayaa ku boorisay in bulshada ay xiligaan xooga saaraan ilaalinta nadaafadda iyo fayadhorka, si looga bad baado khatarta xanuunka.

Dr Cabdullaahi Cali Maxamed oo ka socday Hay’adda I.M.C ayaa sheegay in loo baahanyahay qaadashada talooyinka caafimaad ee la xariira ka hortagga COVID-19.

Maxamed Cali Axmed oo ka mid ah xubnaha golaha deegaanka Degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in maamulka degmadu uu xoogga saari doono sidii bulshada looga wacyi gelin lahaa khatarta xanuunka Karoonaha

Dhianaca kale isku duwaha Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Galmuudug iyo Madaxa xafiiska Wasaaradda ee ka hortagga tacadiyada Hawenka Abshiro Cali Geeddi ayaa daah furay munaasabadda, taasi oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Previous Post

Wasaaradda Dekahada Galmudug oo dekad Kalluumeysi  sameyneysa “SAWIRRO”

Next Post

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka oo Haweenka Soomaaliiyed ugu hambalyeeyay xuska maalinta caalamiga ah ee 8 Maarso

Next Post
Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka oo Haweenka Soomaaliiyed ugu hambalyeeyay xuska maalinta caalamiga ah ee 8 Maarso

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka oo Haweenka Soomaaliiyed ugu hambalyeeyay xuska maalinta caalamiga ah ee 8 Maarso

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

August 9, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaanka istiraatiijiga ah...

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo  ka furmay Baydhabo

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo ka furmay Baydhabo

August 9, 2025
0

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Marwo Josephine Sundqvist

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Marwo Josephine Sundqvist

August 9, 2025
0

Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee SoDMA ku soo dhaweeyay Madaxa Hay’adda  Läkarmissionen International...

Bandhig lagu xoojinayo is-dhexgalka laamaha ammaanka iyo Bulshada gobolka Banaadir oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid

Bandhig lagu xoojinayo is-dhexgalka laamaha ammaanka iyo Bulshada gobolka Banaadir oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid

August 9, 2025
0

Iyadoo la fulinaayo amarka ka soo baxay  Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa hoggaanka Xiriirka Bulshada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In