Monday, August 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Nuuradiin Axmed Caalin

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Nuuradiin Axmed Caalin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cusmaan Abokor Dubbe, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan maamulka iyo howl-wadeenada Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Nuuraddiin Axmed Caalin oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Marxuum Nuuraddiin oo sidoo kale ka mid ahaa ciidamada Booliiska Qaranka uu waqti badan kusoo bixiyay u adeegidda dalkiisa iyo dadkiisa isla markaana uu door lama hilmaamaan kulahaa shaqada Warbaahinta Qaranka.

Related posts

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

August 3, 2026
Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

August 3, 2026

“Alle ha u naxariistee Marxuum Nuuraddiin Axmed Caalin waxa uu door weyn kasoo qaatay nabadda, dib u dhiska dowladnimad iyo horumarinta warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed. Waxa uu ahaa muwaadin ay ka go’nayd hufnaan u gudashada howlaha muhiimka ah ee uu Qarankiisa u hayay”.

Wasiir Dubbe ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Suldaan Axmed Jaamac Xirsi

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Suldaan Axmed Jaamac Xirsi

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Suldaan Axmed Jaamac Xirsi

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

August 3, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Dan-Qaran, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay...

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

August 3, 2026
0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

August 3, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xarunta...

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

August 3, 2026
0

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Dardar-gelinta iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC), oo uu daah furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In