Qeybaha ka la duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Balcad ee gobalka Shabellaha Dhexe ayaa rajo wanaagsan kamuujiyay qaadista dacwadda sohdinta baddeena oo ay nagu heysato dowladda Kenya, waxa ay na fariin adag u direen doladda Kenya oo iskudayeesa in ay nagu qabsato baddeena.
Guddoomiya dhalinyarada degmada Balcad Bishaar Maxamuud Nuur iyo qaar kamid ah haweenka ku dhaqan degmada Balcad oo lahadlay Talefishinka Qaranka ayaa dhiira gelin, hambalyo iyo bogaadin udiray guddiga kasocoda dowladda federaalka Soomaaliya ee kaqeyb-galaya dhageysiga dacwada badda waxana Kenya ay ku eedeeyeen in dulmi cad ay ku heysato baddeena islamarkana aan katanaasuli doonin taako kamid ah baddeena.