Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 60-aad ayaa howlgal lagu baacsanayo maleeshiyada Al-Shabaab ka fuliyay wadada xiriirisa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay iyo deegaanka Deynuunaay.
Wadada oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka ayaa inta badan shacabka ku safra waxay dhibaato handadaad kala kulmaan araggixisada Al-Shabaab oo si dhuumaaleysi ku soo gala wadadaas.
Sidoo kale, Howlgalka ayaa waxaa bar bar socday geedo jaris iyo balaarin lagu sameynayay wadada xiriirisa deegaanka Deynuunaay iyo magaalada Baydhabo, tallabadaas oo ay shacabka bogaadiyeen.
Waxaana Ciidamada Intii Howlgalka ay ku jireen Wadada kala Kulmeyeen Gawaari ay saaran yihiin Shacab Kuwaas oo ku Farxa marka ay arkaan Gawaarida Geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Guutada 8-aad qeybta 60aad Gaashanle Maxamed Nuur Maxamed (Mad dheere ), Taliyaha Howlgelinta Qeybta 60aad Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashanle Dhexe Xasan Aadan Yarow iyo Saraakiil kale.
Ciidamada Xoogga dalka ayaa wadada kula kulmay shacab ku bogaadiyay shaqada ay u hayaan uguna mahadnaqay Geesiyaasha Qaranka in ay ka dul qaadaan dhagarta argagixisada Al-Shabaab.
Taliyaha Guutada 8aad Qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashanle Maxamed Nur Maxamed (Mad dheere) ayaa sheegay in ay ciidanka sii laba jibaarayaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaabka caadeystay in ay dhibaateeyaan shacabka safaraya.
Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa Mudooyinkii dambe xoojiyey Howlgalada lagu ciribtireyo Kooxda Waqtigoodi Dhamaadey ee Nabad-diidka Al-shabab.