Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cimilada oo si xooggan isku bedeleysa bisha April

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Cimilada oo si xooggan isku bedeleysa bisha April
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo lagu jiro xilli fasaxyo ah meelo badan oo caalaka ka mid ah. Dadweynuhuna ay filayeen in helaan qorax, dowladuhuna ay dhinaca kale dagaal kula jiraan faafida caabuqa Koroonaha ayaa waxaa yimid baraf iyo qabow daran dalalka Europe meelo badan oo Afrika ka mid ahna waxaa ka jira roobab xoog leh iyo dabeylo.

Laga soo bilaabo bishii March ee sanadkan 2021, waxaa jiray jawi iyo cimilo caadi ah laakiin dad badan waxay ku noqotay layaab isbedelkan aan xiligiisa la joogin

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Dalalka uu sida xoogga leh u saameyn doono qaboobaha aan xiligiisa la joogin waxaa ka mid ah UK iyo Ireland iyo dhulalka loo yaqaan Mediterranean-ka iyo Balkans-ka iyadoo baraf xoog lihi uu da’ayey labadii maalmood ee ugu dambeysay isla markaana la filayo in xaaladu sidan sii ahaan doonto.

Sanadkan ayaa ahaa kii ugu qabowga iyo dhaxanta badnaa inta la xasuusto muddooyinkan gaar ahaan bishii February.

Dhinaca kale dalalka Afrika, warbixin ay diyaarisay hey’adda loo yaqaan Xarunta  Saadaasha Hawada ee magaceeda loosoo gaabiyo CPC (Central Prediction Center) ayaa dabayaaqadii bishii hore ee March sheegtay in roobab xooglihi ay ka di’I doonaan dalalka Kenya iyo Ethiopia.

Hey’addu waxay saadaalisay in roobabkani ay ka dambeynayaan cimilo qalalan oo sababi karta in abaaro dhacaan sanadkan. Sababaha abaaraha keeni kara waxaa ka mid ah in roobabka xoogani ay galaafanayaan beeraha. Roobabkan waxay kusoo hormareen meelo badan oo ka mid ah geeska Afrika sida Soomaaliya oo ay ka da’ayeen bishii February.

Cimilada oo is bedesha waxay keentaa xaaladda nololeed oo is bedesha iyadoo isbedelku sababo cuduro kala duwan laakin waxaa hada cabsida weynu ka taagan tahay dalalka Eurupe oo marki horeba dagaal daran kula jiray caabuqa Koroona oo ah mid ku barbaara kuna faafa qaboobaha.

Previous Post

Wasiirka Gargaarka XFS iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo kawadahadlay xaalada Bini,Aadanimo ee Dalka+Sawirro

Next Post

Tallaalka Caabuqa Covid-19  oo maanta si rasmi ah uga biloowday Magaalada Xuddur.

Next Post
Tallaalka Caabuqa Covid-19  oo maanta si rasmi ah uga biloowday Magaalada Xuddur.

Tallaalka Caabuqa Covid-19  oo maanta si rasmi ah uga biloowday Magaalada Xuddur.

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In