Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay go’an tahay, kuna dadaalayso sidii uu u mira dhali lahaa kulamada wadatashiga ah ee u socda dawladda iyo dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaal ka.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cisman Dubbe ayaa SONNA u sheegay in Xukuumadda rajo badan ka qabto in kulamadu ku soo dhamaadaan natiijo wanaagsan iyo wadajir u fulinta heshiiskii 17kii September.