Munaasabadan oo ahayd mid lagu Daahfurayay Tartanka Quraanka Kariimaka ee gabdhaha oo ay taaba gelisay Wasaarada Haweenka iyo Hormarinta Xaquuqda Aadanaha ayaa waxaa lagu qabtay hotelka Syl Ee magaalada Muqdisho .
Daahfurka munaasabada ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xaquuqda Aadanaha XFS iyo sidoo kale wasiiru dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta XFS waalidiinta dhalay ardayda culamadda iyo sidoo kale marti sharaf kale.
Gudoomiyaha Dalsan Media Maxamed ibrahin Cali ayaa kaga mahadceliyay Wasaarada Haweenka XFS kaalinta ay kaqaadatay taaba gelinta tartankan.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta XFS Maxamud Macalin Yaxye oo munaasabadda ka hadlay ayaa hambalyo u diray ardayda xifdisan Quraanka Kariimaka iyo waalidiintii kusoo dadaalay waxaana sido kale uu u sheegay in Wasaaradda ay samaynayso qaanuun ugaar ah dugsiyada Quraanka Kariimka.
Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xaquuqda Aadanaha XFS marwo Xaniifa Maxamed Ibraahin oo daahfurtay tartanka Quraanka Kariimaka ayaa tilmaantay sida ay ugu faraxsantahay in ay kasoo qayb gasho tartanka Loo qabanayo gabdhaha Xaafidul Quraanka waxana ay balan qaaday in ay dhiiri gelin doonto ka wasaarad ahaan ardayda kaalmaha sare ka gala tartanka iyadoona u mahadcelisay Bahda Dalsan media oo soo qabanqaabisay Tartankan.