Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 8aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Shangaani Vs Hodan oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.
Tartameyaasha labada degmo ee Shangaani Vs Hodan ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.
Shangaani
Tartameyaasha Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen labo su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen shan su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha Shangaani, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Shangaani ay heleen waxay noqotay afar (4) dhibcood.
Hodan
Tartamayaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen shan su’aal, iyagoo iska qalday labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay dhigooda Shangaani, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Hodan waxay noqotay toban iyo labo (12) dhibcood.
Hadaba kulankii 8aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Hodan ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe oo ah habeenka 9aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Jowhar iyo Yaaqshiid oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir.
Sawir Qaade:- Khadar Cali Nuur