Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddigii loo xil saaray baarista dil loo geystay askari ka tirsanaa ciidanka Qaranka oo la kulmay ehelada marxuumka “Sawirro”.

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Guddigii loo xil saaray baarista dil loo geystay askari ka tirsanaa ciidanka Qaranka oo la kulmay ehelada marxuumka “Sawirro”.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudi Wasiiro iyo Saraakiil Amni isugu jiray oo uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay baarista dil qarsoodi ah oo si fool xun loogu gaystay Muqdisho askari ka tirsanaa ciidamada Qaranka ayaa maanta la kulmay eheladda marxuumka.

Waxaa kamid ah  gudigan Qaran ee kiiskan loo xilsaaray wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Jimcaale Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Sheikh Yuusuf Alcadaalada, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka Xirsi Aadan Rooble, iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Benaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud  Qaroole iyo mas’uuliyiin kale.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026
Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026

Ugu horeyn Mas’uuliyiinta Qaranka ayaa si degan u dhageystay cabashada ehelada marxuum askari Maxamed Mukhtaar Sheikh Maxamed Ciroobe oo lagu naanaysi Jiray Deeqoow, iyagoona ka balan qaaday in dhacdadan oo ka hor imaanaysa Qaranimadda iyo Insaanimadaba ay si mas’uuliyad leh u baari doonaan.

Wahadal dheer, is dhageysi iyo is qancin kadib waxaa Warbaahinta Qaranka la hadlay Cabdulaahi Khaliif Cali oo kamid ah Waxgaradka Marxuumka iyo Saalax Sheikh Maxamed Ciroobe oo ah Marxuumka adeerkiis waxa ayna dalbadeen in cadaalada la horkeeno cidii  wiilkoodii sida arxanka daran u  dilay isaga oo xiran Tuutihii uu Qarankiisa ugu adeegayey.

Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka Xirsi Aadan Rooble iyo Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Alcadaalada ayaa u tacsiyeeyay eheladda waxaa ayna ka marag kaceen in arintan ay ceeb ku tahay Qaranimadda marka laga yimaado tiiraanyada qoyska sidaas daraadeedna ay waajib qaran tahay in la helo kuwii ka danbeeyay.

Ugu danbeyn Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa sheegay in aysan ka gaabin doonin baaritaankan oo uu sida uu hadalka u dhigay si aad ah ugu adkeeyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dhis lagu sameynayo Buundooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab.

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan laqaatay qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan laqaatay qaar  ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan laqaatay qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka “SAWIRRO”

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedisay shirka Haweenka Adduunka ee ka socda magaalada New...

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In