Monday, September 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Japan iyo UNICEF oo iska kaashanaya sidii Soomaaliya looga gacan siin lahaa Tallaalka COVID-19

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Japan iyo UNICEF oo iska kaashanaya sidii Soomaaliya looga gacan siin lahaa Tallaalka COVID-19
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Japan, oo lacag soo marineysa iskaashiga wada-shaqeynta ah ee ay la leedahay UNICEF, ayaa ku deeqdey ku dhowaad $900,000 oo ah deeq degdeg ah oo lagu sii wanaajinayo maareynta qaboojiyeyaasha Tallaalka COVID-19 ee Soomaaliya.

Related posts

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

September 21, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

September 20, 2026

Maaliyaddan ayaa gacan ka geysaneysa soo iibinta qalabka qaboojinta tallaalka/cold chair equipment (CCE) oo loo soo iibinaayo 33 xarumood oo ka mid ah xarumaha caafimaadka oo ka soo bixi kara shuruudaha looga baahan yahay tallaalka COVID-19, shaqaalaha caafimaadka iyo farsamo-yaqaannada qalabka caafimaadka ayaa lagu tababari doonaa adeegsiga iyo dayactirka/gacan-ku-haynta qalabka CCE.

Waxaa la qiyaasayaa in 3 milyan oo qof ay ka faa’iideysan doonaan qaaraankan.

“Japan ayaa gacan ka geysaneysa sii-wanaajinta waaxda caafimaadka ee Soomaaliya, iyada oo bixineysa barnaamijyo tababar iyo qalab caafimaad,” ayuu yiri mudane HORIE Ryoich, oo ah Safiirka Japan ee Soomaaliya.

Japan ayaa xoogga saareysa gacan-ka-geysashada sidii loo sii wanaajin lahaa barnaamijyada tallaalka ee guud ahaan dunida, iyada oo $200 milyan oo doolar ku biirisay qaaraanka loogu talogaley tas-hiilaadka COVAX.

Deeqdan ayaa qayb ka ahaan doonta taageerada guud ee ay UNICEF siineyso Wasaaradda Caafimaadka si ay dalka uga fuliso mid ka mid ah ololayaashii tallaalka ee ugu ballaarnaa ee abid laga hirgeliyo dalka.

Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa sidoo kale dowladda gacan ka siineysa in shaqaalaha caafimaadka loo tababaro sidii ay u maareyn lahaayen habsi u socodka  tallaalka, korjoogteynta ka-faa’iideysigiisa  iyo isla-xisaabtanka.

“UNICEF waxay Dowladda Japan iyo dadka reer Japan mahad weyn uga haysaa taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya,” ayuu yiri Mohamed Ayoya, oo ah Wakiilka UNICEF Soomaaliya.

Previous Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo furay tababar loo qabtay Saxafiyiinta Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga iyo xubno la socday oo kulan la qaatay Wasiirka Gaadiidka Badda “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga iyo xubno la socday oo kulan la qaatay Wasiirka Gaadiidka Badda “SAWIRRO”

Wasiirka Gaashaandhigga iyo xubno la socday oo kulan la qaatay Wasiirka Gaadiidka Badda “SAWIRRO”

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

September 21, 2026
0

Waxaa xalay magaalada Gaalkacyo lagu qabtay munaasabad lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda Adduunka, oo ku beegan 21-ka Sebtembar...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

September 20, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxa Bannaan ee...

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

September 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay...

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In