Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga iyo xubno la socday oo kulan la qaatay Wasiirka Gaadiidka Badda “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga iyo xubno la socday oo kulan la qaatay Wasiirka Gaadiidka Badda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Admiral Cabdixamiid Dirir iyo Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Gaashaandhigga ahna ku-simaha Agaasimaha Guud Maxamuud Cali Axmed “Fanax” ayaa kormeer waxay ku tageen xarunta Wasaaradda Dekadaha iyo  Gaadiidka Badda, halkaas oo ay kulan kula qaateen Wasiirka Wasaaradda Marwo Maryan  Aweys iyo xubno ka tirsan Wasaaradaas.

Kulanka oo ujeedkiisa ahaa dardar-galinta howlaha baaxadda leh Ciidanka Badda iyo ilaalada Xeebaha Soomaaliya ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay Taliyaha Ciidanka Badda Admiral Cabdixamiid Dirir oo xusay in dib-u-habeyn ballaaran lagu sameeyay Ciidanka Badda, isagoo tilmaamay in ay wadaan qorshe ballaaran oo ay ku dardar-galinayaan howlaha shaqo ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay u hayaan.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmamay in kulanka uu ahaa mid miro-dhal ah oo lagu xoojinayay howlaha shaqo ee Ciidanka badda iyo ilaalinta xeebaha Soomaaliya.

Xubnahan ayaa kormeeray qeybo ka mid ah Dekadda Muqdisho iyo xarumaha Cidanka Badda iyo ilaalinta Xeebaha, halkaas oo laga hago howlgelinta ciidanka marka ay howlgallada ka sameynayaan xeebaha Soomaaliya,

Wasaaradda Difaaca Soomaaliya oo ka duuleysa dib-u-habeynta iyo tayeynta ciidamada ayaa wada qorshe ballaaran oo ciidamada badda lagu horumarinayo.

Previous Post

Japan iyo UNICEF oo iska kaashanaya sidii Soomaaliya looga gacan siin lahaa Tallaalka COVID-19

Next Post

UNMAS oo gaadiid iyo agab kale ku wareejisay Taliyaha ciidanka xoogga dalka “SAWIRRO”

Next Post
UNMAS oo gaadiid iyo agab kale ku wareejisay Taliyaha ciidanka xoogga dalka “SAWIRRO”

UNMAS oo gaadiid iyo agab kale ku wareejisay Taliyaha ciidanka xoogga dalka “SAWIRRO”

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In