Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumaddda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta saxiixay laba siyaasadood oo kala ah Siyaasadda Xaquuqda Aadanaha ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Siyaasadda tababarada ee Wasaaradda Gaashaandhigga, kuwaas oo muhiim u ah howl maalmeedka baaxadda leh ee Wasaaradda.
Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay baahida ay Wasaaradda u qabto dhaqan-gal ka iyo dardargelinta labada Siyaasadood ee uu maanta qalinka ku duugay.
Sidoo kale Siyaasada Tababaradda ayuu ku tilmaamay in udub -dhexaad u noqon doonto hagidda tababaradda iyo jiheynta sare-u-qaadidda aqoonta howlwadeennada Wasaaradda iyo Saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayen Agaasime waaxeedyadda Wasaaradda ayuu Wasiirka kula dardaarmay fulinta siyaasadahan iyo dhaqan galkooda, si loogu adeego shacabka si ay ku dheehantahay Daah-furnaan iyo isla xisaabtan dhab ah .