Monday, December 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkii labaad ee Madasha muuqaalka cimilada Qaranka ee (NCOF) oo qabsoomay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Shirkii labaad ee Madasha muuqaalka cimilada Qaranka ee (NCOF) oo qabsoomay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkii labaad ee Madasha Muuqaalka Cimilada Qaranka (NCOF) ayaa la qabtay intii u dhexeysay 07-08 Juun 2021 oo ay soo qaban qaabiyeen kooxda wada shaqeynta saadaasha Hawada ee Soomaaliya (SIMMWG) oo kaashaneysa Xarunta Saadaasha Cimilada iyo Codsiyada ee IGAD (ICPAC).

Ujeeddada ugu weyn ee kulanku waxaa uu ahaa in la wadaago, sidoo kalana la ogaado saameynti laga diiwan geliyay roobabka Guga ee sanadkan aan ku guda jirno ee 2021 iyo saamaynta taban iyo kuwa togan ay yeeshen sidoo kalana wax laga ogaado roobabka xilliga xagaaga ee nagu so fool leh iyo saameyntooda ayadoo guud ahaan inta badan dalka ay ka jirto xaalad jiilal ah marka laga reebo waqooyi galbeed oo laga filaayo in qayba kamid ah roobab ka da’aan iyo xeebaha koonfureed oo ay ayadana suuragal tahay in ay roobab ka da’aan inta badana xiliga xagaaga lagu yaqaano.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Madashu waxay kulmisay Aqoonyahanada ku xeel-dheer Cimilada iyada oo ay la wadaagan macluumaadka cimilada iyo isticmaaleyaasha qaybaha muhiimka ah ee dhaqan-dhaqaale, hay’adaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn, go’aan qaadayaasha, aqoonyahanada cimilada, iyo daneeyayaasha bulshada rayidka ah iyo kuwa kale.

Muuqaalka Cimilada ee Juun ilaa Sebtember 2021, Waxaa lagu qeexay in guud ahaan xiliga uu jiilaal yahay (dry season), heerkulkana uu kasareeyo xaalada caadiga guud ahaan dalka.

Ugu dambeyn Wasaaradaha sida Beeraha, Biyaha, Xanaanada xoolaha, Caafimadka iyo Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ee dowlada ku waas oo qeyb ka ahaa shirka heer federaal iyo Maamul gobaleed ayaa soo jeediyay tallooyin ku aadan saamaynta taban iyo mida togann ee xiligan.

Previous Post

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee badaha Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Qormo: Jowhar maxaan ku soo arkay?

Next Post
Wasiirka Warfaafinta “Waa waajib in Warbaahintu ay difaacdo madax bananinada Qaranimada Soomaaliya” SAWIRRO

Qormo: Jowhar maxaan ku soo arkay?

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In