Thursday, May 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Magaalada Xudur oo booqday goobo ay dageen dad kasoo barakacay kooxaha argagaxisada ah

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Maamulka Magaalada Xudur oo booqday goobo ay dageen dad kasoo barakacay kooxaha argagaxisada ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qoysaskan dhowaan laga soo barakiciyay tuulooyin hoosyimaada degmada Xuddur, isla markaana la dejiyay goobo cusub ayaa maanta waxa kormeerey maamulka Degmada Xuddur oo ay wehlyaan hay’adaha samafalka ee ka howlgala gudaha magaalada.

Dadka soo barakacay oo guryo ka sameysan cooshado ku dhisanaya duleedka magaalada Xuddur ayaa waxay isugu jiraan Waayeel iyo Qoysas haween u badan oo carruurtooda ay la socdaan, mahaystaan hooy, waxay wajahayaan biyo la’aan iyo raashiin la’aan, qaar ka mid ah barakacayaasha oo aan la hadlay ayaa ii sheegay in ay isugu jiraan beeralay, xooladhaqato iyo dad xirfad muruqmaal ah ku shaqeysanayay.

Related posts

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

May 21, 2026
Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

May 21, 2026

Maamulka degmada Xuddur ayaa bixiyey dhulka ay degayaan, majirto wax intaa ka badan oo loo qabtay haseyeshee u jeeddada kormeerkaa ayaa ah in xaaladooda dhabta ah la ogaado gargaar deg deg ahna lala soo gasro sida uu Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha degmada Xuddur Maxamed Macalin.

Magaalada Xuddur waxa ku sugan kumanaan kun oo barakacayaal ah, maalimba maalinta ka danbaysa waxaa cirka isku shareera qiimaha maciishada quutul daruuriga, waxana xaaladooda nololeed aad u liidata danyarta shaqo la’aan ku heysata gudaha magaalada, kuwaasi oo dalbaday inay lala soo gaaro gurmad dhinac waliba leh.

Previous Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Waaxda ka Hortagga Askareynta Carruurta

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan sagootin ah la qaatay Danjire Aadan Xasan Aadan

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan sagootin ah la qaatay Danjire Aadan Xasan Aadan

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan sagootin ah la qaatay Danjire Aadan Xasan Aadan

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

May 21, 2026
0

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha Afrika ayaa billowday inay natiijooyin muuqda dhaliso. Arrintan waxaa shaaciyay Liu...

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

May 21, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada...

Wasiirka Awqaafta oo kormeeray goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta oo kormeeray goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

May 21, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa xalay kormeer ku tegay Teendhooyinka Xujeyda Soomaaliyeed loogu diyaariyay...

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

May 20, 2026
0

Kaaliyaha Taliska Xoogga Dalka Soomaliyeed Gen Maadey Nuurey Sheekh ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee caasimada ku meelgaarka ah ee Koofur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In