Thursday, September 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 18, 2021
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Gobolka Mudug, kan Degmada Gaalkacyo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaaladaas ayaa soo dhaweyn diiran u sameeyay Wafdi uu hogaaminayo Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Cumar ( Al-Cadaala ) oo gaaray gabal dhicii magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka ayaa mid mid u gacan qaaday madaxdii iyo shacabkii magaalada afkeeda hore uga hortagtay, wuxuuna uga mahadceliyay sida milgaha leh ee ay u soo dhaweeyeen guud ahaan Maamul iyo shacab.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025

Maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmadda Galkacyo ee dhinaca Galmudug ayaa Wasiirka uga mahadceliyay booqashadiisa uu ku tegay Gaalkacyo.

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadan doona inta uu Gaalkacyo ku sugan yahay Mas’uuliyiinta, Waxgaradka, Haweenka iyo dhallinyarada, isagoo kala hadli doona arrimo ku saabsan sidii ay bulshadda iyo Dowladda oo wada jira ay iskaga kaashan lahaayeen Amaanka iyo Horumarka dalka.

 

 

Previous Post

Kaaliyaha Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Qatar oo la kulantay ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Next Post

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Next Post
Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hey'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Suldaan Mustafa Awseed, oo ka mid...

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025
0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan casho-sharaf ah kula yeeshay Agaasimaha...

Madaxweynaha JFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha JFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

September 10, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo miro dhal ah kula yeeshay magaalada Addis-ababa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In