Thursday, November 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Musharax Madaxweyne Cabdikariim Guuleed oo soo dhaweeyay magacaabista guddiyada doorashooyinka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Musharax Madaxweyne Cabdikariim Guuleed oo soo dhaweeyay magacaabista guddiyada doorashooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah murashixiinta xilka Madaxtinimo ee dalka ayaa soo dhaweeyay magacaabista guddiyada hirgelinta doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee uu caawa magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Mudane Cabdikariim ayaa xusay in tani ay tahay tallaabo wanaagsan oo dhanka dedejinta hirgelinta doorashada loo qaaday, waxaana qoraal uu bartiisa soo dhigay u qorneyd sida tan:-

Related posts

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

November 5, 2025

“Waxaan soo dhaweynayaa Magacaabista Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad goboleed iyo heer dowlad dhexe intaba, waxaan u arkaa tillaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka toosan ee dedejinta hirgelinta doorasho la isla ogol yahay, kuna qabsoonta xilliga loo asteeyey.

Waxaa hubaal ah in dalku dhibaato badan ay ka soo gaartay ismari waaga siyaasadeed ee ka taagna qabsoomidda doorashooyinka Qaran, kuwaas oo keenay fadhiidnimo dhaqaale iyo dib u dhan siyaasadeed.

Waxaan ku baaqayaa in la soo dhaweeyo dadaalada ay wadaan Xukuumadda iyo Madaxda dowlad goboleedyada isla markaana horey loo socdo, si dalku u galo doorasho xor iyo xalaal ah una horseedda Dalka deganaansho iyo xasilooni siyaasadeed iyo mid Amni”.

Previous Post

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo gaaray magaalada Waajid “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Guddigii hubinta xubnaha guddiyada doorashooyinka oo ka hadlay howshii ay qabteen

Next Post
Guddoomiyaha Guddigii hubinta xubnaha guddiyada doorashooyinka oo ka hadlay howshii ay qabteen

Guddoomiyaha Guddigii hubinta xubnaha guddiyada doorashooyinka oo ka hadlay howshii ay qabteen

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
0

Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ukraine,...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

November 5, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daahfuray Barnaamijka Ilaalinta iyo Daryeelka Bulshada, oo ay...

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

November 5, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

November 5, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In