Thursday, July 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kaalinta Guddiga Madaxa Bannaan ee La-dagaallanka Musuq maasuqa ee hannaanka Doorashoyinka Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Kaalinta Guddiga Madaxa Bannaan ee La-dagaallanka Musuq maasuqa ee hannaanka Doorashoyinka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Madaxa Bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ah guddi qaran oo madax-bannaan, wuxuu adkeynayaa kaalinta Guddiga ee xaqiijinta xoojinta hannaanka doorasho daahfuran, caddaalad ah oo dimuqraadiyad ku saleysan; inuu kormeero maalgalinta iyo kharashaadka siyaasadeed; lana joojiyo ku tagri falka hantida qaranka xilliga doorashooyinka.

Iyadoo laga ambaqaadayo waajibaadka dastuuriga ah, Guddiga Madaxa Bannaan ee La-Dagaalanka Musuqmaasuqa wuxuu si dhow ula socon doonaa ficillada Guddiyada Doorashooyinka, ergooyinka iyo musharrixiinta si looga hortago nooc kasta oo khaladaad doorasho ah.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026
Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026

Guddigu wuxuu hoosta ka xariiqayaa inuu eegi doono dhammaan tabashooyinka ay soo bandhigayaan dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, waxaana naga go’an in Guddigu baaro, isla markaana qaado tallaabooyinka ku habboon ee ka dhanka ah kuwa lagu helo ku takri-falka awoodaha lagu aaminay. Guddigu wuxuu ka digayaa ku xadgudubka iyo ku takrifalka hantida qaranka taas oo carqaladeyn xaqa muwaadiniintu u leeyihiin helista adeegyada dowladda ee loo siman yahay. Guddiguwuxuu si adag uga digayaa laaluusha bixinta iyo qaaashada, iibsiga codadka xilliga doorashada lagu jiro, ka hor iyo ka dib doorashooyinka.

Guddigu wuxuu markale ku celinayaa in fursadaha ol’olaha doorashada ay noqdaan kuwo ay u siman yihiin dhamaan musharaxiinta oo ay ku jiraan musharrixiinta haweenka iyo kuwa ka soo jeeda qowmiyadaha la hayb sooco.  Kormeerayaasha ka socda Guddiga ayaa loo xilsaarayaa, kuna heyn doona isha goobaha codbixinta ee dalka oo idil.

Marka la eego dabeecadda gaarka ah ee geeddi-socodka doorashooyinka dalkeenna, Guddigu wuxuu ahmiyad gaar siin doonaa Habka Baarista Dembiyada Doorashada oo ay ku jiraan xadgudubyada maamul iyo kuwa dembiyeed labadaba. Sidoo kale, Guddigu wuxuu billaabi doonaa wacyigelinta bulshada, waxaana ugu baaqeynaa daneeyeyaasha maxalliga ah, kuwa qaran iyo kuwa caalamiga ahba inay nagu gacan siiyaan gudashada waajibaadka Guddiga.

Guddigu wuxuu xusuusinayaa dhammaan hawl-wadeennada doorashooyinka- oo ay ku jiraan  kuwa heer federal iyo heer maamul gobolleed- in laga doonayo madax-bannaani, dhex-dhexaadnimo iyo isla xisaabtan. Guddiyada doorashada waxaan xusuusineysaa inay si adag u hoggaansamaan sharciyada qaranka iyo qaab-dhismeedka sharciga ee doorashooyinka.

IACC waxay ku martiqaadeysaa xubnaha bulshada caalamka inay door muhiim ah oo gaarsiisan inay heer kormeer madax-bannaan oo leh dhex-dhexaadnimo iyo carqalad la’aan ah ka ciyaaraan doorashooyinka Soomaaliya si waafaqsan heerarka caalamiga ah.

 

 

 

 

Previous Post

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo fataahadda deegaanada Hir-shabeelle kala hadashay wasiiro ka tirsan maamulkaasi

Next Post

IACC’s oversight role in transparent, fair and democratic electoral process in Somalia

Next Post
IACC’s oversight role in transparent, fair and democratic electoral process in Somalia

IACC’s oversight role in transparent, fair and democratic electoral process in Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay munaasabadda qaran ee Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo...

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo wacyigelin...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026
0

Muqdisho, Juun 30, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee...

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

June 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cali Xoosh, ayaa ka hadlay munaasabadda xarig-jarka xarunta dhexe ee Wasaaradda oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In