Howgalkani oo ahaa mid qorsheysan ay Ciidanka Xoogga Dalka ka sameeyeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ujeedkiisu ahaa xaqiijinta Amniga iyo ka hortagga dhagarta argagixisada Al-Shabaab ay shacabka u maleegayaan.
Howlgalka oo ay si wada jir ah u sameeyeen Ururka 4-aad Guutada 16-aad Kumaandooska Xoogga DANAB iyo Ururka 64-aad Guutada 7-aad Qeybta 60-aad Xoogga Dalka ayaa waxay si gaar ah uga fuliyeen degaanno ay ka mid yihiin Yaqdhuubo, Dibilay, Bocoray, Hakow Balow Warta Macalin Shabax, Bay nanay, Caliyow Baarow iyo Warta Ciise, oo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Intii Howlgalka uu socday saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa u kuurgalay xaaladda nololeed ee haysta dadka deegaannada ay Howlgalka ka sameeyen ciidamada ku sugan, kuwaasi oo xoolahoodi ay dhaceen maleeshiyaadka Al-Shabaab.