Thursday, November 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay nuxurka shirka ka furmay Garoowe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay nuxurka shirka ka furmay Garoowe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaraadda Cafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdinaasir Sheekh Muqtaar Ibraahim ayaa faah faahin ka bixiyay shirka Wasaaradda Caafimaadka ee Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada uga furmay magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal, kaasi oo diiradda lagu saaray arrimo badan.

Agaasimaha oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in shirka maanta uu daba socday shir bishii December ee sanadkii 2020 uga furmay Muqdisho, kasasi oo looga hadlay waxyaabihii u qabsoomay, caqabadaha hortaagan iyo howlaha horyaala Wasaaradaha Caafimaadka, si loo xoojiyo iskaaashiga iyo wada shaqeynta ka dhexeyso.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo hadiyad guddoonsiiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare

Wasiirka Warfaafinta XFS oo hadiyad guddoonsiiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare

November 19, 2025
Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka.

November 19, 2025

“Shirka waxaa uu socon doonaa muddo saddex cisho ah, waxaana nagala soo qeyb geli doona Wakiilada hay’adaha caafimaadka naga caawiya, si loo dar dargeliyo qorshe howleedka Wasaaradaha caafimaadka”. Ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Mudane Cabdinaasir Sheekh Muqtaar Ibraahim ayaa xusay in shirka diiradda lagu saari doono dajinta istaraatiijiyadda caafimaadka guud ee dalka, isla markaana ay ahayd qorshe howleed horey u soo socday, haatanna laga sii doodi doono qodobada u baahan in wax laga badalo.

Agaasimaha Guud ee Wasaraadda Cafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in waxyaabaha shirka la iskula soo qaadi doono ay ku jiraan mashruuc cusub oo loogu magac daray Damal Caafimaad, kaasi oo bilaha soo socda la qorsheynayo in dalka laga hirgeliyo, haatanna laga sii doono habka loo dhaqan gelin lahaa.

“Sida aan ogsoonahay dalka waxaa soo maray cudurka COVID-19 oo dalka saameyn badan ku yeeshay, runtii waxaan bilownay talaalka cudurka oo wajigiisa koowaad si hagaagsan u socday, balse waxaa jirta in wajiga labaad aan bilownay oo aan shacabka ka codsaneyno inay qaataan talaalka, maadaama cilmi baarayaasha caafimaadka ay xuseen in cudurka uu yahay mid Feeyrus ah, loona baahanyahay in laga hortago” ayuu yiri Cabdinaasir.

 

Previous Post

Wasiirka Amniga Hirshabeelle oo kulan la qaatay saraakiisha amniga Gobolka Hiiraan “SAWIRRO”

Next Post

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa tartanka Koobka Carabta ee da’doodu ka yartahay 17 sano jirada

Next Post
Soomaaliya oo ka qeyb galaysa tartanka Koobka Carabta ee da’doodu ka yartahay 17 sano jirada

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa tartanka Koobka Carabta ee da’doodu ka yartahay 17 sano jirada

Wasiirka Warfaafinta XFS oo hadiyad guddoonsiiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare

Wasiirka Warfaafinta XFS oo hadiyad guddoonsiiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare

November 19, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda...

Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka.

November 19, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Muqdisho ka furay Shirka Garsoorayaasha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Muqdisho ka furay Shirka Garsoorayaasha Soomaaliyeed.

November 19, 2025
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, ayaa saaka magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka Madasha Garsoorayaasha Soomaaliyeed, kaas...

Wasiirka Hawlaha Guud ee DFS oo Nairobi kula kulmay dhiggiisa Kenya.

Wasiirka Hawlaha Guud ee DFS oo Nairobi kula kulmay dhiggiisa Kenya.

November 19, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, oo safar shaqo ku jooga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In