Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo sheegay in muwaadiniinta ay xaq u leeyihiin inay isu safri karaan meelkasta oo ay joogaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo warbixin ka dhageystay Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay isu safri karaan meelkasta oo ay ka joogaan dalka gudihiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo khudbad taabaneysa dhinacyo kala duwan ka jeediyay munaasabad uu warbixin kaga guddoomay Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo ayaa yiri “Muwaadinka Soomaaliyeed ee musharaxa ah waxa uu xaq u leeyahay in la dhowro xaquuqdiisa muwaadinimo, in la dhowro fekirkiisa, in uu xaq u leeyahay in magaalada uu rabo uu ka safro midda uu rabana u safro, waxaan farayaa hay’adaha socdaalka, waxaan farayaa hay’adaha amniga, booliska iyo NISA, warar badan baa i soo gaaray oo ah in dad la celiyay oo meelo kala duwan laga celiyay, uma dulqaadan dooni, qoftii ku soo baxdana falkaas talaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa”.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay inaan la celin karin diyaarad rakaab sida oo u socoto magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaareey ama ka imaaneysa, isagoo faray hay’adda duulista Hawada ee Soomaaliya inay la soo wadaan wixii caqabad ah ee la xiriirta diyaarad la celiyay, si looga qaado tallaaho sharciga waafaqsan.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka dalbaday guddiga inay dabagal ku sameeyeen oo ay korjoogteeyaan hirgelinta waxyaabaha ka qabsoomay qodobada ay u soo gudbiyeen xafiiskiisa.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa guddiga uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixiyeen arrinta dib u heshiisiinta Gobolka Gedo, maadaama qodobka Gedo ay caqabad ku ahayd heshiiskii 17 September., haatanna wax badan laga qabtay oo ay harsantahay in Maamulka Gedo lagu soo saaro wareegto.

“Runtii shaqadii aan idin igmaday maanta farxad ayay na gelineysaa aniga iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed, sababtoo ah si wanaagsan oo hufan oo wadanimo ah, walaalnimo ah, saaxiibtinimo ah ayaad u soo dhameyseen”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

 

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo warbixin ka dhageystay Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo “SAWIRRO”

Next Post

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidanka Xoogga ee ku sugan Bacaadweyne

Next Post
Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo sheegay in ciidamada ay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan Bacaadweyne

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidanka Xoogga ee ku sugan Bacaadweyne

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

March 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo saaray wareegto uu kumagaacabayo Wasiir Ku xigeenno cusub...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In