Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo sheegay in muwaadiniinta ay xaq u leeyihiin inay isu safri karaan meelkasta oo ay joogaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo warbixin ka dhageystay Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay isu safri karaan meelkasta oo ay ka joogaan dalka gudihiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo khudbad taabaneysa dhinacyo kala duwan ka jeediyay munaasabad uu warbixin kaga guddoomay Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo ayaa yiri “Muwaadinka Soomaaliyeed ee musharaxa ah waxa uu xaq u leeyahay in la dhowro xaquuqdiisa muwaadinimo, in la dhowro fekirkiisa, in uu xaq u leeyahay in magaalada uu rabo uu ka safro midda uu rabana u safro, waxaan farayaa hay’adaha socdaalka, waxaan farayaa hay’adaha amniga, booliska iyo NISA, warar badan baa i soo gaaray oo ah in dad la celiyay oo meelo kala duwan laga celiyay, uma dulqaadan dooni, qoftii ku soo baxdana falkaas talaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa”.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay inaan la celin karin diyaarad rakaab sida oo u socoto magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaareey ama ka imaaneysa, isagoo faray hay’adda duulista Hawada ee Soomaaliya inay la soo wadaan wixii caqabad ah ee la xiriirta diyaarad la celiyay, si looga qaado tallaaho sharciga waafaqsan.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka dalbaday guddiga inay dabagal ku sameeyeen oo ay korjoogteeyaan hirgelinta waxyaabaha ka qabsoomay qodobada ay u soo gudbiyeen xafiiskiisa.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa guddiga uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixiyeen arrinta dib u heshiisiinta Gobolka Gedo, maadaama qodobka Gedo ay caqabad ku ahayd heshiiskii 17 September., haatanna wax badan laga qabtay oo ay harsantahay in Maamulka Gedo lagu soo saaro wareegto.

“Runtii shaqadii aan idin igmaday maanta farxad ayay na gelineysaa aniga iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed, sababtoo ah si wanaagsan oo hufan oo wadanimo ah, walaalnimo ah, saaxiibtinimo ah ayaad u soo dhameyseen”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

 

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo warbixin ka dhageystay Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo “SAWIRRO”

Next Post

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidanka Xoogga ee ku sugan Bacaadweyne

Next Post
Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo sheegay in ciidamada ay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan Bacaadweyne

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidanka Xoogga ee ku sugan Bacaadweyne

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In