Thursday, August 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dib u milicso wixii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir 2 Sanno ka hor

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
July 24, 2021
in Wararka
0
Dib u milicso wixii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir 2 Sanno ka hor
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xarunta Gobalka Banaadir oo uu xilligaasi qaraxa ka dhacay waxaa ka socday shir xasaasi ah oo looga hadlayay amniga caasimadda waxaana goobjoog ahaa dhammaan guddoomiyayaasha degmooyinka gobalka banaadir, iyadoo wax yar kadib markii uu shirka furmay gebi ahaan jawiga uu isbadalay.

Kadib markii uu qaraxa dhacay ayaa durbadiiba la xaqiijiyay geerida mas’uuliyiin lafdhabar u ahaa gobalka oo ay ka mid yihiin guddoomiyihii degmada Cabdicasiis Marwa Saba Cabdullaahi Asad, Guddoomiyihii degmada Wabeeri Mahad Cilmi,Guddoomiyaha Shangaani: Sahra Markeesi,  Lataliyaha dhanka sharciga ee Maayarka: Abukaate Xasan Maxamed Sabriye, Agaasimaha Qorsheynta deegaanka Hoose Injineer Shuuriye, Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha: Cabdullaahi Cali Dheere, Agaasimaha Nadaafadda Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane iyo howl wadeenno kale oo ka tirsanaa gobalka.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

August 20, 2025
Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

August 20, 2025

Qaraxa ayaa waxaa dhaawac xooggan uu ka soo gaaray duqii Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow, isaga oo todobaad kadib u Isbitaal ku yaalla dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawacii qaraxa ka soo gaaray.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuled ayaa guddi heer qaran ah u xil saaray in aybaaritaanno ku sameeyaan shaqsiyaadkii ka dambeyay qaraxa, cidda fududeysay iyo qorshahiisa ciiddii laheydba, iyadoo guddigan guddoomiye looga dhigay Cabdi Canshuur Xasan.

Xubnaha guddiga oo ka koobnaa 14-xubnood ayaa mudda kadib warbixin ay soo saareen ku sheegay in qaraxa ay ka dambeysay Haweeney aragga la’ oo ka tirsaneyd shaqaalaha gobalka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xus iyo duco usameeyay Shuhadadii ku Shahiiday Musiibadii maanta oo kale ka dhacday Xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar 24 July 2019.

 

 

 

Previous Post

Xarun ka shaqeyn doonto hal-abuurka deegaanka oo laga hirgaliyay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan looga hadlayay xaaladda guud la qaatay maamulka Degmada Cadale “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan looga hadlayay xaaladda guud la qaatay maamulka Degmada Cadale “SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan looga hadlayay xaaladda guud la qaatay maamulka Degmada Cadale “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

August 20, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa si rasmi ah u daahfuray Shir heer Qaran ah...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

August 20, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

August 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Cumar Cali Afrax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda...

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

August 20, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Danjire Ibraahim Cumar Sheegow ayaa ka warbixiyay qasaaraha ka dhashay labo doonyood oo ku qalibmatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In