Monday, August 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Habraaca Xallinta Khilaafaadka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la soo saaray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Habraaca Xallinta Khilaafaadka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la soo saaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, asagoo fulinaya Habraaca Hirgelinta Heshiiska Siyaasadeed ee Hagaya Doorashada dadban 2020/2021 ee heer Federal, gaar ahaan Habraaca lagu dhisay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee soo baxey 1-da Oktoobar 2020, kaasoo awood sharci ah u siinaya Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban eegista iyo go’aaminta muranada lagu diido go’aanada ay gaareen Guddiyada heer federal iyo heer Dowlad gobaleed ee ku aadan codbixiyaasha iyo murashaxiinta u tartamaya mid ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddigu wuxuu la wadaagayaa Musharaxiinta iyo Codbixiyaasha Aqalka Sare Habraaca Xallinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan lagu hirgelinayo Nidaamka Qaran ee digniinta hore ee Khataraha

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan lagu hirgelinayo Nidaamka Qaran ee digniinta hore ee Khataraha

August 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed oo booqday Xabsiga Ganfuda ee Liibiya 

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed oo booqday Xabsiga Ganfuda ee Liibiya 

August 3, 2026

Shuruudaha Cabashooyinka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya:

Waxaa cabasho u soo gudbinsan kara Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban;

1- Murashax soo buuxiyay Shuruudaha Musharaxnimada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku xusan Qodobka 58 aad ee Dastuurka ku-meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Sharciyada kale ee Hagaya Doorashada Dadban ee 2020/2021 loona diiwaan galiyay u tartamida Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2- Waxaa kaloo cabasho u soo gudbin kara Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban Xildhibaanada Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Iyo xubnaha Ergada loo xulay in ay u codeeyaan tartamayaasha Aqalka sare ee Somaliland oo ay si toos ah u saamayso xadgudubyada ka dhasha maamulka doorashada.

3- Waa in uu codsi qoraal ah u soo gudbiyaa Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban, soona buuxiyaa foomka diiwaan galinta cabashada xallinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka Sare.

4- Waa in uu bixiyaa lacagta diiwaan galinta cabashada oo dhan 3,000 oo dollar (sedex kun oo dollar) kuna soo lifaaqaa galkiisa cabashada waraaqda cadeyneysa in uu ku shubay lacagta xisaabta bangiga loo asteeyay.

Haddaba intaas oo shuruud ah haddii uu soo buuxiyo qofka cabanaya, Guddigu wuxuu qadanaaya go’aanuu ugu garnaqayo cabashadaas muddo 7 malmood gudahood.

Previous Post

Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo soo bandhigay burcad hubaysan oo dhibaato ka gaystay Degmada Dayniile

Next Post

Ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug oo soo bandhigay saanad ciidan oo ay kala wareegeen Al-Shabaab

Next Post
Ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug oo soo bandhigay saanad ciidan oo ay kala wareegeen Al-Shabaab

Ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug oo soo bandhigay saanad ciidan oo ay kala wareegeen Al-Shabaab

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan lagu hirgelinayo Nidaamka Qaran ee digniinta hore ee Khataraha

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan lagu hirgelinayo Nidaamka Qaran ee digniinta hore ee Khataraha

August 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Arrimaha Soomaaliya...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed oo booqday Xabsiga Ganfuda ee Liibiya 

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed oo booqday Xabsiga Ganfuda ee Liibiya 

August 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa booqday Xabsiga Ganfuda ee magaalada Banghaasi, halkaas oo ay kula kulmeen dhallinyaro Soomaaliyeed...

Hoggaamiye Firdhiye oo habka fogaan-aragga uga qayb galay xuska sanad-guurada Maamulkaas

Hoggaamiye Firdhiye oo habka fogaan-aragga uga qayb galay xuska sanad-guurada Maamulkaas

August 3, 2026
0

Hoggaamiyaha Waqooyi Bari ayaa habka fogaan-aragga uga qayb galay munaasabadda lagu xusay sanad-guurada maamulkaas oo lagu qabtay gobolka Minnesota ee...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐰𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐰𝐚 𝐥𝐚 𝐜𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐚𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐰𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐰𝐚 𝐥𝐚 𝐜𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐚𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝

August 2, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo safar shaqo u joogo magaalada Laasacaanood ee xarunta Waqooyi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In