Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo xiray Shirka horumarinta Waxbarashada Puntland oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Garoowe.
Madaxweynaha Puntland ayaa saddexdii maalmood ee shirku socday si joogta ah uga qeybgalay, wuxuuna goobjoog u ahaa doodihii la xiriiray sidii loo horumarin lahaa Waxbarashada Puntland iyo War-murtiyeedka kasoo baxay Shirweynaha.
Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyay shirka iyo sida uu u qabsoomay, doodaha iyo aragtiyada Waxbarashada lagu horumarinayo ee lasoo bandhigay, taasi oo lagu soo ururiyay War-murtiyeedka shirka kasoo baxay, sida in magacii Wasaaradda loo bedelo Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Carruurta iyo soo jeedimaha kale ee dhaxalgalka ah.
Madaxweynaha Puntland ayaa la wadaagay bulshada sida ay Puntland uga go’antahay in ay il-gaar ah ku hayso Waxbarashada, oo ah adeegyada Dowliga ah ee guuleystay oo Puntland ku amaanantahay. Wuxuu rajeeyay in waxyaabihii shirka ka soo baxay ay waxbadan ka qeyb qaadan doonaan horumarinta Waxbarashada deegaannada Puntland.
Shirka horumarinta Waxbarashada Puntland waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada heerarkooda kala duwan, Hay’addaha taageera Waxbarashada Puntland, Lataliyeyaal iyo Khuburo Waxbarasho, Qurbojoogta, Ganacsatada, Waalidka, Ardeyda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.