Wednesday, August 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Doorashooyinka iyo Caabuqa COVID-19 “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Doorashooyinka iyo Caabuqa COVID-19 “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayuu ugu horreyn ka siiyey Golaha warbixin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in uu jiro dib u dhac yar hadana kulan labo habeen ka hor uu la yeeshay Madasha Qaran ay isku afgarteen in ay ku soo afjaraan doorashada Aqalka Sare Asbuuca soo socda,  dibna ay isugu yimaadaan kulan looga arrinsanayo sidii horey loogu sii anbaqaadi lahaa doorashada Gollaha Shacabka.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan miro-dhal ah la qaatay Wakiilka Hay’adda PAH

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan miro-dhal ah la qaatay Wakiilka Hay’adda PAH

August 5, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

August 4, 2026

Warbixinta uu Golaha Wasiirrada ka siinayay Ra’iisul Wasaarahu Siyaasadda dalka ee xiliga kala guurka, ayuu ku sheegay in xal-u-raadinta iyo abuuris jawi isfaham oo uu muddo ka dhex waday siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland oo ay kala hogaaminayeen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, oo la xiriirtay doorashada Guddoonka Guddiga SIET ee Somaliland uu dadaal xooggan ku bixiyay in isfahan la gaaro, waqtina uu siiyay, balse hadda uu go’aan ku gaaray in doorashada la guda galo guddiguna ay dhexdooda is doortaan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxuu Golaha uga warbixiyay socdaalkii uu dhawaan ku tagay magaalada London iyo shirkii caalamiga ee Waxbarashada ee uu ka qeyb galay iyo kulankii uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Britian Boris Johnson oo uu sheegay in miro dhal ay ahaayeen.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siisay xaaladihii u danbeeyey ee Caabuqa COVID-19 ee soo laba kacleeyey, kaa soo ay u dhinteen Muqdisho kaliya ilaa 5 qof oo afar ka mid ah ay ahaayeen haween, guud ahaan dalkana laga helay Cudurka 64 qof, iyadoo Wasaaradda ku baaqday feejignaan dheeri ah.

Shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada ayaa waxaa kaloo looga hadlay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka loogu geysanayo dalal dibadda ah in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay si dhow ula socoto lana dabagalo.

Golaha waxa uu gacantaag ku ansixyay Saddex arrimood oo kala ah.

▪ Siyaasadda Diiwaan_Galinta Madaniga iyo Istaatiitikada.

▪ Hishiis Iskaashi oo dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkey

▪ Siyaasadda Fasaxa Dhismaha Soomaaliyeed.

Previous Post

Xarunta Karantiilka Caabudwaaq oo la soo gaarsiiyay Qalab Caafimaad oo ay ku jiraan Meshiino casri ah “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Next Post
DAAWO: Wasiirka Caafimaadka oo bulshada fariimo cusub la wadaagtay

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan miro-dhal ah la qaatay Wakiilka Hay’adda PAH

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan miro-dhal ah la qaatay Wakiilka Hay’adda PAH

August 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Hay’adda Polish Humanitarian Action (PAH),...

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

August 4, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa ka qayb galay kulan duco iyo...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

August 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

August 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In