Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Guddiga Xaqiijinta Qoondada haweenka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Guddiga ka dhageystay warbixin ku aaddan howlaha u qabsoomay, isagoo ku boorriyay in ay sii dardar galiyaan dadaalkooda ku aaddan xaqiijinta matalaadda haweenka ee labada aqal ee Baarlamaanka.
Xubnaha Guddiga ayaa sidookale Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay hadii ay jiraan cabasho la xiriirta in haweenka ay helaan qoondada ay ku leeyihiin Baarlamaanka labada Aqal.
Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin
Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin, waxaana munaasabadda lagu martigeliyey...
























